Dhismaha ugu Baalaadhan Dunidda

Dhismaha Warshada Diyaaradaha Samaysa ee Shirkada Boeing Bawin oo Ku Yaala Magaalada Everett ee Gobolka Washington ee Dalka Maraykanka ayaa Lagu Tilmaamay Dhismaha ugu Ballaadhan Caalamka.

Warshadda ayaa Samaysa Diyaaradaha Waawayn ee 747 ee ay Leedahay Shirkadda Boeing.

Markii Shirkada Boeing ay Go’aansatay in ay Samayso Diyaaradaha 747, Waxay Ku Khasbanaatay in ay Hesho Dhisme Wayn oo Hal Mar Lagu Wada Farsamayn karo Dhawr Diyaaradood.

Shirkadda ayaa Shaqada Warshada Everett Bilawday Sanadkii 1967-Kii Bill Allen, Madaxii Hore ee Shirkadda Boeing, ayaa Xusay in Shirkaddu u Baahantahay Dhisme Wayn oo ay Ku Farsamayso Diyaarad Qaadi Karta ilaa 400 oo Rakaaab ah. Shirkadda ayaa Markaas Qaadatay in ay Ka Dhisto Goob 35-km Waqooyi Kaga Beegan Magaalada Seatlle oo u Dhaw Kob ahaan Jirtay Garoon-Dagaal Xiligii Dagaalkii Labaad ee Dunida.

Maanta Dhismaha Warshadda Everett Wuxuu Meesha Ka Saarayaa Dhisme Kasta oo Dunida Ku Yaalla, iyadoo Lagu Qoray Buuga Dhacdooyinka Dunida. Dhismaha ayaa Muggiisu Gaadhayaa 472-million oo Cubic Feet, Halka uu Ku Fadhiyo Dhul Cabirkiisu Dhanyahay Kudhawaad 400-M.

Warshaddan ayaa Wali Soo Saarta Qaar Ka Mid ah Diyaaradda Boeing 747, Balse Inta Badan Waxay Imika Soo Saartaa Diyaaradaha Yaryar ee Boeing 767, 777 iyo 787.

Galin Kasta Waxa Ka Shaqeeya Dad Gaadhaya 10-Kun oo Qof, iyadoo Warshadda Laga Shaqeeyo Saddex Galin.

Warshaddan Everitt, ayaa Leh 1300 Baaskiil oo Layskaga Dhexgoosho Gudaheeda. Waxay Leedahay Xarun Dab-Damis iyo Xarun Caafimaad oo u Gaar ah.

Sidoo Kale Waxa Ku Yaala Goobo Cabitaanka iyo Cuntada Laga Helo oo u Adeega Kumanaanka Qof ee usoo Shaqa Taga Warshadan.

Dhismaha ayaan Lahayn Wax Qaboojiyayaal ah, Xiliga Kulaylka ayaa Kaliya Loo Furaa Daaqadaha. Xiliga Jiilaalkii, oo Qabaw Darani Ka Dhaco Deegaankan, Laydhadhka Kabadan Halka Million ee Ku Xidhan Warshadan, Qalabka Korontada iyo Dadka Ka Badan 10-kun ee Ka Shaqeeya Warshadda ayaa Heerkulka Ku Ilaaliya in uu ahaado Mid Caadi Ah

saabtv

Share
Published by
saabtv

Recent Posts

Dalka Jabuuti oo Tijaabiyey Dayax-gacmeedkii u horeeyey

Dalka Jabuuti ayaa hawada sare u dirtay Dayax-gacmeedkeedii ugu horeeyay ee uu dalkaasi yeesho, kaas…

6 months ago

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka Hadlay Mawqifkooda Dagaalka Gaza

Madaxweynaha Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Riyaad ee Boqortooyada Sucuudiga kaga qeyb-galay kulan…

6 months ago

Itoobiya oo Mar kale Caddaysay sida ay u Doonayso inay Bad ku hesho

Xukuumadda Itoobiya ayaa sheegtay in qorshaha ay dawlad ahaan ku doonayaan inay heleen meel ay…

6 months ago

Ajandaha Golaha Guurtida iyo qodobada xaasaasi ah ee ku jira

Ajandaha kal-fadhiga 83aad ee Golaha Guurtida Somaliland oo ka kooban 12 qodob, ayaa waxa ku…

6 months ago

Madaxweynaha Somaliland oo ka Qaybgalay 30-Guurada Kasoo Wareegtay Aas-Aaskii Ciidanka Booliska.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qayb-galay munaasibad ballaadhan oo loogu dabbaaldegayo…

6 months ago

Somaliland oo maanta Xukun Dil ah ku Fulisay Shan Nin oo lagu helay dambiyo ah inay hore dilal uga gaysteen gudaha dalka

Dawladda Somaliland ayaa subaxnimadii hore ee maanta xukun dil ah ku fulisay shan nin oo…

6 months ago