Ajandaha kal-fadhiga 83aad ee Golaha Guurtida Somaliland oo ka kooban 12 qodob, ayaa waxa ku jira qodobo muhiim ah oo ay ka mid yihiin xeerarka doorashooyinka, xaaladdaha nabadgelyo ee dalka, sicir-bararka iyo qodobo kale oo la xidhiidha wadahadalka Somaliland iyo Soomaaliya.

Qodobada ajandahan loo qaybiyey Golaha Guurtida ayaa waxa kala yihiin ansixinta Wax-ka-beddelka iyo kaabista xeerka guud ee doorashooyinka Somaliland ee xeer lambar 91/2023 iyo wax-ka-beddelka xeerka Ururrada Siyaasadda ee xeer lambar 14/2023.

Waxa kaloo qodobada ajandahan ka mid ah xal-u-helida qiimo-dhaca shilinka Somaliland iyo ka hortaga suuqa madaw ee sarifka lacagaha qalaad.

Geesta kale, qodobada kale ee ajandaha Golaha Guurtida ku jira waxa ka mid ah xal-u-helista xaaladaha ka soo cusboonaaday Gobolka Sanaag, gaar ahaan Ceerigaabo, qabyo-tirka khilaafka degaanka Cali-saahid ee soo noqnoqday iyo wax ka qabashada xaaladaha ka taagan degaannada Qori-ludug iyo Buuhoodle.

Waxa kale oo qodobada ajandaha ka mid ah joojinta degsiimooyinka cusub ee isku dhaca ku keenaya bulshooyinka wada degan, kaydinta iyo meel ku ogaanshaha dhulka danta guud ee laga jaro beeraha ay magaalooyinku gaadhaan.

Ajandaha kal-fadhiga 83-aad ee Golaha Guurtida waxa kaloo lagu soo daray qodobo ka hadlay la socoshada dhaqdhaqaaqyada xaaladaha ka taagan Gobolka Geeska Afrika, dib u eegiska iyo hakinta wadahadalada Somaliland iyo Soomaaliya.

Qodobada ajandahan Golaha Guurtida ayaa waxa ku jira qodobo xaasaasi ah oo bulshaduna si weyn indhaha ugu hayso, kuwaas oo la doonayo in lagu dhamaystiro khilaafaadkii la xidhiidhay arrimaha doorashooyinka iyo nabadgelyada ee saamaynta ku yeeshay Somaliland,kuwaas oo ay hore u soo ansixiyeen Golaha Wakiilladu.

Doodda ajandahan kal-fadhiga 83aad ee Golaha Guurtida ayaa si rasmi ah u bilaabmi doonta maalinta Sabtida ee toddobaadka soo socda.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga