Wasaaradda horumarinta Beeraha Somaliland ayaa maanta soo saartay saadaal ay ku sheegayso in bishan aynu ku jirno ee October 24-ka ilaa 31-ka ay qaar ka mid ah gobolada Somaliland ka di’i doonaan roobab waaweyn oo xaddigoodu sareeyo. Si gaar ah Wasaaradda Beeraha Somaliland waxay u carrabowday in Xeebaha Awdal, iyo Saaxil iyo qaybo ka mid ah gobolka Maroodi-jeex ay ka da’i doonaan roobab xaddiggooda lagu qiyaasay 150 Milli Mitir ilaa 200 Milli Mitir, kuwaas oo sababi kara fatahaado iyo daadad xooggan oo laga cabsi qabo inay khasaare gaystaan.

Wasaaradda Beeraha Somaliland, waxa sidoo kale shaacisay in Gobolka Togdheer laftiisa  la saadalinayo in qaybo ka mid ah ay ka da’aan rooobab xaddigooodu gaadhayo 50 ilaa 100 Milli Mitir.

Saadaashan Wasaaradda Beeruhu soo saartey maanta waxay intaasi lagu dartay in maalmihii la soo dhaafay ay Badwaynta Hindiya ay ka kacday duufaan loogu magac daray “Tropical Cyclone Category Five “TeJ”, dufaantaas oo ku waajahan wadamada Yamen iyo Cummaan sida saadaashan Wasaaradda lagu sheegay, sidaas si lamid ah na qaybo ka mid ah gobolada Somaliland ay heli doonaan roobab aad u badan.

Wasaaradda Beeraha Somaliland waxay fartey Xoolo-dhaqatada, Beeralayda iyo Reer-guuraga ba inay ka feejignaadan, kana fogaadaan meelaha biyo-mareenada iyo dooxyada ah. Sidoo kale na Kalluumaysatada ayaa Wasaaraddu amartey inay kala baxaan laashashkooda iyo doonyahooda badda, ka hor inta aanay khasaare kasoo gaadhin roobabka la saadaalinayo.

Saadaashan Wasaaradda Beeruhu soo saartey waxa ugu danbayn lagu sheegay in heer-kulka cimilada gobolada dalka Somaliland lagu qiyaasay 20 ilaa 24 Degree Celcius, halka sidoo kale dhinaca Xeebaha dalka heer-kulka cimilada lagu qiyaasay 24 ilaa 28, saadaashana ay kaga go’aan qaateen xogta dayax-gacmedka Satellites-ka.

Saadaasha kasoo baxday Wasaaradda Beeraha Somaliland ayaa kusoo beegmaysa xilli muddooyinkii u danbeeyey aad looga digayay duufaanta El-Nino oo la saadaalinayey in keeni doonto roobab wata dabaylo iyo daadad xooggan oo ku dhufta gobolada Geeska iyo Bariga Afrika. Halka sidoo kale dawladaha Soomaaliland iyo Soomaaliya iyaguna ay digniino kasoo saareen khataraha ka dhalan kara duufaanta El-Nino.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga