Dalka Jabuuti ayaa hawada sare u dirtay Dayax-gacmeedkeedii ugu horeeyay ee uu dalkaasi yeesho, kaas oo la yidhaahdo Djibouti 1A, waxaana samayntiisa iyo naqshadayntiisaba iska kaashaday dawladaha Jabuuti iyo Faransiiska.

Dayax-gacmeedkan dalka Jabuuti leeyahay waxa laga diray saldhig loogu talogalay in lagu tijaabiyo dayax-gacmeedyada oo xaruntiisu tahay dalka Maraykanka, iyadoo uu Wasiirka Tacliinta Sare iyo Cilmi-baadhista ee dalka Jabuuti Nabil Maxamed Axmed uu sheegay in khubaro injineero ah uu ka kala socda Jabuuti iyo Faransiisku ay ka wada shaqeeyaan dhismaha satalaytkan hawada loo diray, kuwaas oo sidoo kale si wada-jir ah u tijaabiyey.

Waxa kaloo uu sheegay in 10 injineer oo khubaro ah loo tababaray dayax-gacmeedkan uu dalka Jabuuti yeeshay, isagoo xusay in dayax-gacmeedkan hawada sare loo diray ay dawladda Jabuuti ugu talogashay in loo isticmaalo dhinaca la socodka iyo ururinta macluumaadyada la xidhiidha isbeddelka cimilada, saadaasha hawada, roobabka, heer-kulka, beeraha iyo arrimaha khuseeya degaanka, halka sidoo kale uu Wasiirka Tacliinta Sare ee Jabuuti uu sheegay in sidoo kale loo adeegsan doono dhinacyada horumarka.

Waa markii u horaysay ee uu dalka Jabuuti hawada sare u diro dayax-gacmeed uu leeyahay, taas oo wax weyn ku soo kordhin doonto horumarka dhinaca degaanka iyo wax ka bashada dhibaatooyinka ka dhasha isbeddelka cimilada dalkaasi Jabuuti.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga