Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qayb-galay munaasibad ballaadhan oo loogu dabbaaldegayo sannad-guurada 30-aad ee kasoo wareegtay Aas-aaskii ciidanka Booliska Somaliland oo maanta lagu qabtay xarunta guud ee Booliska.

Munaasibadda xuska Aas-aaska ciidanka oo ay madaxweynaha kala qayb-galeen guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee golaha wakiillada, guddoomiyaha maxkamadda sare, safiirro ka socda dalalka Somaliland la saaxiibka ah, madax-dhaqameed, siyaasiyiin, haldoor iyo marti-sharaf kale oo tiro badani, ayaa laga jeediyey khudbado ku saabsan dedaalka Booliska iyo sida ay halbowlaha ugu yihiin hawlaha amniga xuduudaha iyo gudaha dalka.

Ugu horrayn, waxa munaasibadda lagu soo bandhigay masraxiyad ka hadlaysa kaalinta ciidanka Boolisku bulshada ugu jiraan iyo sida ay muhiimka ugu yihiin nabadgelyada iyo ammaanka guud ee dalka iyo xuduudahaba.

Hoggaanka hawlgelinta ciidanka Booliska Sarreeye guud Ibraahim Cabdi Xaaji Maxamuud, ayaa ka warbixiyey dambiyadii kala duwanaa ee ciidamada Booliska u qabsoomay sannadkan sii dhammaanaya ee 2023-kii, sida xilkasnimada leh ee ay uga soo dhalaaleen waajibaadka saaran iyo sida ay ugu hagar baxeen ilaalinta amniga iyo badqabka muwaadiniinta reer Somaliland.

Taliyaha ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland, sarreeye gaas Maxamed Aadan Saqadhi, ayaa ugu horrayn hambalyo iyo bogaadin u diray dhammaanba ciidamada Booliska Jamhuuriyadda Somaliland, waxana uu ku ammaanay gudashada waajibaadka amni ee saaran iyo sida ay heeganka ugu yihiin nafta iyo hantida muwaadiniinta.

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed oo munaasibadda hadal kooban ka jeediyey, ayaa ciidamada Booliska Jamhuuriyadda Somaliland ku bogaadiyey ilaalinta amniga gudaha dalka iyo naf-hurnimada ay u sameeyaan bulshadooda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo  munaasibadda soo Afmeeray, ayaa ugu horrayn ciidamada Booliska ku hambalyeeyey sannad-guurada 30-aad ee kasoo wareegtay Aas-aaskii ciidanka Booliska, isaga oo ku sifeeyey tiir muhiim u ah qaranka.

Madaxweynuhu waxa uu hoosta ka xarriiqay in bulshada iyo qarankuba u ogyihiin dedaalka nafhurnimada leh ee ay ciidamada Boolisku ku jiraan iyo sida ay danta guud u ilaalinayaan, “Aad bay ummadiinu idiin ogtahay, waana aanu idiinka mahadnaqaynaa, qarankuna waa idiin ogyahay, tamari waxa ay idinka reebto mooyaane waxba la idin kala hadhi maayo, waana la idin garab taagan yahay,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Ugu dambayntii, madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu si murugo leh uga hadlay xasuuqa lagu hayo muslimiinta reer Falastiin, waxana  reer Galbeedka uga digay ku wiirsiga ay ku hayaan xasuuqa socda, isaga oo si cad u sheegay inay si buuxda u garab taagan yihiin walaalaha reer Falastiin ee dhibaatadu hayso.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga