Ciidamada Israa’iil ayaa khasaare xoogan kala kulmay dagaalka culus ee 24-kii saacadood ee ugu dambeeyey ka socday gudaha Marinka Qaza, iyadoo Israa’iil ay sheegayso in ugu yaraan 13 askari ay kaga dhinteen magaalada Qaza.

Ra’iisal-wasaaraha Israa’iil Benyamin Nethanyahyu iyo Wasiirkiisa Gaashaandhiga oo maanta hadlay ayaa sheegay inay khasaare xoogan oo xannuun kulul kala kulmayaan dagaalka ay kula jiraan Ururka Xamaas, iyadoo dagaalyahanada Xamaas ay weerar iyo iska caabin xoogan kala hortageen ciidamada Israa’iil oo dhinacyo kala duwan ka soo weeraray magaalada Qaza.

Waxa kaloo uu Ra’iisal-wasaare Netanyahu sheegay in dagaalka Qaza uu noqon doono mid adag oo muddo dheer qaata, isagoo ku dooday in ujeedadoodu tahay inay soo furtaan maxaabiista badan ee ay Ururka Xamaas gacanta ku hayaan iyo inay burburiyaan godadka dhulka hoostiisa ee ay isticmaalaan dagaalyahannada Xamaas.

Hasayeeshee, Ururka Xamaas ayaa sheegay in khasaaraha Israa’iil ka soo gaadhay dagaalkii xalay uu yahay mid aad u badan, waxayna tilmaameen inay gaadiid dagaal ka gubeen Israa’iil, dhimasho iyo dhaawac badana gaadhsiiyeyey askartooda weerarka ku soo qaaday Gaza, kadib markii ay dagaalkaasi Qaza ay Xamaas u adeegsadeen xeelado cusub iyo noocyada kala duwan ee hubka lidka taangiyada iyo miinooyinka dhulka lagu aaso, waxanna arrintaasi qiray Israa’iil oo sheegay in 7 askari oo ciidankooda ka mid ahi ay ku dhinteen baabuur dagaal oo ay Xamaas ka gubeen, kadib markii ay ku dhufteen gantaalka lidka gaadiidka dagaalka.

Geesta kale, hoggaamiyaha Ruuxiga ah ee dalka Iran Ayatollaha Ali Khamenei oo maanta khudbad u jeediyey ardayda dalka Iran ayaa si xoogan u cambaareeyey duqaymaha iyo xasuuqa ay Israa’iil ku haysto dadka Falastiiniyiinta, waxaannu dalalka islaamka ugu baaqay inay xayiraado iyo cuno-qabatayno adag ku soo rogaan Israa’iil, kana joojiyaan shidaalka iyo badeecadaha kale ee ay dalalka Islaamka iyo Carabtu ka iibiyaan Israa’iil oo uu sheegay inay xoog ku haysato dhulka Falastiin.

Waxa kaloo uu hoggaamiye Ayatollah Ali Khamenei uu ammaan iyo bogaadin u jeediyey xoogaga iyo dagaalyahanada Xamaas ee iska caabinta kula jira Israa’iil, waxaannu tilmamay inay waajib tahay in dalalka Islaamku ay qaadaan tallaanooyin lagu joojinayo xasuuqa ay Israa’iil ka wado marinka Qaza.

Dhinaca kale, dalka Bolovia oo ka mid ah dalalka ku yaala qaaradda Laatiin Ameerika ayaa xidhiidhkii u jaray Israa’iil, kadib markii uu ka cadhooday xasuuqa ay Ciidamada Israaiil ku hayaan dadka Falastiin, iyadoo sidoo kale dalalka Chile iyo Colombiya oo isla Laatiin Ameerika ahi ay dib ugu yeedheen safiiradooda ka jooga Israa’iil si ay u muujiyaan sida ay uga xun yihiin duqaymaha iyo go’doominta Israa’iil ee Marinka Qaza.

Xasuuqa ay Israa’iil waddo ayaa sidoo kale keenay inuu xilka iska casilo Agaasimaha xafiiska ay Hay’adda Xuquuqal-insaanka Qaramada Midoobay ku leedahay magaalada New York. Masuulkan xilka sare ka hayey Qaramada Midoobay oo magaciisu yahay Graig Mokhiber ayaa sheegay in aan loo dul-qaadan karin xasuuqa baahsan ee ay Israa’iil wado, isagoo dalalka Maraykanka, Ingiriiska iyo Midawga Yurub ku eedeeyey inay ku lug leeyihiin duulaanka argagaxa leh ee ay Israa’iil ka waddo Marinka Qaza.

Inta badan dalalka Islaamka iyo wadamo kale oo caalamka ah ayaa cambaareeyey duqayntii ay ciidamada Israa’iil xalay ku qaadeen xerada qaxootiga Jabaliyah halkaasi oo ay ku dhinteen, kuna dhaawacmeen boqolaal qof oo rayid ahi.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga