Dawladda Somaliland ayaa sheegtay in aanay aqbali doonin, isla markaana aanay sinaba u suurtogeli karin hindise iyo qaraar kasta oo ka soo baxa Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay oo soo jeedinaya in awoodaha ciidamada Midawga Afrika ee Soomaaliya, loona yaqaano ATMIS lagu soo fidiyo dhinaca Somaliland.

Qoraal shalay  lagu faafiyey Barta X, horena loogu yaqaanay Twitter-ka ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa lagu sheegay dalka Somaliland uu yahay waddan madaxbannaan oo si iskii ah u taagnaa muddo dhan 32 sanno.

Waxayna Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland intaas ku dartay in aanay ciidamada ATMIS ee ku sugan Soomaaliya aanay wax sharci ah iyo awood midna u lahayn inay ka hawlgalaan dhulka Somaliland.

Hadalkan ka soo baxay dawladda Somaliland ayaa ku soo beegmayaa xili fadhi uu Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay gelinkii dambe ee shalay yeeshay uu ku ansixiyey qaraar dib loogu cusboonaysiiyey awoodda iyo xilka Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ee UNSOM, iyadoo uu qaraarkaasina ogolaanayo in Xafiiska UNSOM uu sii wadan doono shaqadiisa Soomaaliya ilaa 12-ka bilood ee soo socda ama hal sanno oo kale oo dheeraad ah ay sii joogi doonaan Soomaaliya.

Waxaannu qaraarkani uu xafiiska Qaramada Midoobay ee UNSOM awood u siinayaa in muddada sannadka ah ee xilkooda loo kordhiyey ay ka shaqayn doonaan hanaanka dawlad-dhiska iyo nabadaynta Soomaaliya.

Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay shalay la ansixiyey oo aan si rasmi ah weli loo daabicin ayaan la ogayn in lagu daray in arrimo khuseeya Somaliland iyo in ciidamada Midawga Afrka la keeno qaybo ka mid ah Somaliland, balse hadalkan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa u muuqda mid digniin hore ka sii bixinaya hirgelinta arrintaas, maadaama oo ay suurtogal tahay in Somaliland ay heshay xog arrintaasi ku saabsan.

ReplyForward

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga