Xukuumadda Itoobiya ayaa sheegtay in qorshaha ay dawlad ahaan ku doonayaan inay heleen meel ay galaan badda cas uu yahay qorshe ku salaysan in la wada guulaysto oo ay Itoobiya iyo dalalka Badda Cas ku yaalaaba ay danahooda iyo masaaliixdooda guud ka dhex helayaan.

Wasiirka Warshadaha Itoobiya Melaku Alebel oo waraysi siiyey wakaalada wararka Itoobiya ee ENA,  ayaa sheegay in loo baahan yahay in aragtida dhaqaale iyo ganacsi ay noqoto mid ka miisaan culus, kana muhiimsan aragtiyaha siyaasadeed ee la kala aamisan yahay, iyadoo aragtidaasina ay tahay ta hagaysa qorshaha iyo damaca Itoobiya ku doonayso inay marin u hesho badda.

Waxa kaloo uu Wasiirka Warshadaha Itoobiya intaas ku daray in dalalka ay jaarka yihiin ee Badaha haystaa ay doonista Itoobiya badda ku doonayso u arkaan, una tixgeliyaan inuu yahay codsi faa’iido dhaqaale wata, balse aannu ahayn halis iyo dagaal waxyeelo ku ah nabadda iyo degenaanshaha Gobolka.

Sidoo kale, Wasiirkan ka tirsan Xukuumadda Itoobiya ayaa tilmaamay inay dawlad ahaan faa’iido iyo horumar dhaqaale ka heli doonaan haddii ay suurtogasho inay helaan albaab ay ka galaan Badda Cas, taas oo aan horumar u ahayn Itoobiya oo qudha, balse ay sidoo kale taasina sare u qaadayso dhaqaalaha dalalka Badda Cas, isla markaana ay kobcin doonto horumarka ay dalalkaasi hiigsanayaan.

Waraysigan uu  bixiyey Wasiirka Warshadaha Itoobiya waxa uu ku caddeeyey in dalkiisu aannu marna qorshaysan inuu hanjabaad iyo dagaal ku helo marin ay ka galaan Badda Cas, waxaannu intaasi ku daray in qorshahoodu yahay mid faa’iido u wada ah Itoobiya iyo dalalka Gobolka ee badaha leh, cidda faa’iidada ugu badan helaysaana ay tahay dalalka badaha ku yaala.

“Damaca iyo ujeedada Itoobiya maaha dagaal iyo xoog, laakiin waa siyaasad iyo in wax la kala faa’iido, ujeedada Itoobiya waa nabad iyo in la wada helo horumar dhaqaale oo waara oo ku salaysan faa’iido la isla wada ogol yahay oo caddaalad ah,” ayuu yidhi Wasiirka Warshadaha Itoobiya.

Hadalkan Wasiirka ka tirsan Xukuumadda Itoobiya ayaa ku soo beegmaya xili uu dhawaan Ra’iisal-wasaare Abiye Ahmed uu soo bandhigay damacooda ah inay xoog iyo xeelad midka ay noqotoba ku helaan marin ay ka galaan Badda Cas, iyadoo xiisad iyo hadal-hayn badan ka abuuray dalalka Gobolka, isla markaana ay dalalka ku yaala Badda Cas si adag uga jawaabeen.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga