Wararkii ugu danbeeyay ee qaraxii Muqdisho

Qaramada Midoobay, wadamada Turkiga, Qatar, iyo Jarmalka ayaa cambaareeyay weerarkii shalay lagu qaaday Hotel Afrika oo ku yaala wadada tagta garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Dalka Turkiga ayaa ahaa dalka tacsiyada ugu horaysa u diray dadkii wax ku noqday weerarka. Qoraal kasoo baxay wasaaradda arimaha dibadda ee Turkiga ayaa lagu sheegay in Turkigu uu ka xunyahay kana murugaysanyahay waxa ka dhacay Muqdisho.

War kasoo baxay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Wasaaradda Arimaha Dibadda ee Qatar, iyo saafaradda Jarmalka ee Soomaaliya ayaa iyagana lagu cambaareeyay weerarka.

Kadib 8 saacadood oo rasaastu aanay kala joogsan Muqdisho, ciidamada dawladda ayaa ku guulaystay in ay soo af-jaraan hawlgalka ka socday Hotel Afrik.

Ku dhawaad 10 qof ayaa lagu dilay weerarka, sida ay goob-joogayaashu sheegeen halka dhawr iyo toban kalana lagu dhaawacay. Dadka dhintay waxa ku  jiray taliye hore, jeneraal Maxamed Nuur Galaal, oo geeridiisa ay xaqiijisay dawladdu.

War ay goor danbe dawladda Soomaaliya soo saartay ayaa lagu sheegay in 5 qof ay ku dhinteen weerarka.

Hotelka ay alShabab weerartay ayaa muddooyinkii danbe martigaliyay shirar badan oo mucaaridka Soomaaliya ay lahaayeen.

Xiliga doorashada ayaa sare ay alShabab u qaadaa weerarada waxaanay maalmo inaga xigaan dhammaadka muddo xileedka madaxweyne Farmaajo.

Saab Tv

Share
Published by
Saab Tv

Recent Posts

Dalka Jabuuti oo Tijaabiyey Dayax-gacmeedkii u horeeyey

Dalka Jabuuti ayaa hawada sare u dirtay Dayax-gacmeedkeedii ugu horeeyay ee uu dalkaasi yeesho, kaas…

6 months ago

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka Hadlay Mawqifkooda Dagaalka Gaza

Madaxweynaha Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Riyaad ee Boqortooyada Sucuudiga kaga qeyb-galay kulan…

6 months ago

Itoobiya oo Mar kale Caddaysay sida ay u Doonayso inay Bad ku hesho

Xukuumadda Itoobiya ayaa sheegtay in qorshaha ay dawlad ahaan ku doonayaan inay heleen meel ay…

6 months ago

Ajandaha Golaha Guurtida iyo qodobada xaasaasi ah ee ku jira

Ajandaha kal-fadhiga 83aad ee Golaha Guurtida Somaliland oo ka kooban 12 qodob, ayaa waxa ku…

6 months ago

Madaxweynaha Somaliland oo ka Qaybgalay 30-Guurada Kasoo Wareegtay Aas-Aaskii Ciidanka Booliska.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qayb-galay munaasibad ballaadhan oo loogu dabbaaldegayo…

6 months ago

Somaliland oo maanta Xukun Dil ah ku Fulisay Shan Nin oo lagu helay dambiyo ah inay hore dilal uga gaysteen gudaha dalka

Dawladda Somaliland ayaa subaxnimadii hore ee maanta xukun dil ah ku fulisay shan nin oo…

6 months ago