Qaramada Midoobay, wadamada Turkiga, Qatar, iyo Jarmalka ayaa cambaareeyay weerarkii shalay lagu qaaday Hotel Afrika oo ku yaala wadada tagta garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Dalka Turkiga ayaa ahaa dalka tacsiyada ugu horaysa u diray dadkii wax ku noqday weerarka. Qoraal kasoo baxay wasaaradda arimaha dibadda ee Turkiga ayaa lagu sheegay in Turkigu uu ka xunyahay kana murugaysanyahay waxa ka dhacay Muqdisho.

War kasoo baxay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Wasaaradda Arimaha Dibadda ee Qatar, iyo saafaradda Jarmalka ee Soomaaliya ayaa iyagana lagu cambaareeyay weerarka.

Kadib 8 saacadood oo rasaastu aanay kala joogsan Muqdisho, ciidamada dawladda ayaa ku guulaystay in ay soo af-jaraan hawlgalka ka socday Hotel Afrik.

Ku dhawaad 10 qof ayaa lagu dilay weerarka, sida ay goob-joogayaashu sheegeen halka dhawr iyo toban kalana lagu dhaawacay. Dadka dhintay waxa kuĀ  jiray taliye hore, jeneraal Maxamed Nuur Galaal, oo geeridiisa ay xaqiijisay dawladdu.

War ay goor danbe dawladda Soomaaliya soo saartay ayaa lagu sheegay in 5 qof ay ku dhinteen weerarka.

Hotelka ay alShabab weerartay ayaa muddooyinkii danbe martigaliyay shirar badan oo mucaaridka Soomaaliya ay lahaayeen.

Xiliga doorashada ayaa sare ay alShabab u qaadaa weerarada waxaanay maalmo inaga xigaan dhammaadka muddo xileedka madaxweyne Farmaajo.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga