Yoweri Musevani oo Markii Lixaad Isusoo Sharaxaya Madaxwaynaha Uganda.

Xisbigul xaakimka Haya Taladda dalka uganda ayaa markale madaxweyne Yoweri Musevani u doortay in uu u tartamo doorashooyinka la filayo in uganda ay ka dhacan sanadka 2021, taas oo micnaheedu tahay in Musevani uu markii lixaad isu soo tagi doono jagada ugu saraysa dalkan ku yaala bariga Qaarada afrika.

Xisbiga NRM ayaa kulan ay isugu yimaadeen maanta oo arbaca ah uuna Shirgudoominayay maxweyne Yoweri Musevani wAXAY ugu doorteen in uu sii hayo hogaanka xisbiga una tartamo doorashada madaxtinimda ee sanadka 2021, taas oo meesha ka saaraysa Rejedii ahayd in musavani uu tagi doono, waxayna dhabaha u xaadhaysaa in uu mar kale soo noqdo.

Yoweri Musevani ayaa mar sheegay in madaxdda kursiga isku dhajisaa ay yihiin dhibaatada haysta Qaarada Afric, balse isagu wuxuu u cararaya markii lixaad in uu xafiiska kusoo Laabto.

Sanadkii 2016-kii ayuu Yoweri Musevani Sheegay in aan la joogin xiligii uu xafiiska banayn lahaa, maadaama ay u hadhsantahay wax badan oo ay tahay in uu qabto.

Go’aankan xisbigu ay mar kale ku doorteen Yoweri Musevani ayaa imanya labaa sanno kadib markii uu saxeexay Qodob dhigayay in la kordhiyo da’da uu qofku ku noqon karo Madaxwayne, taas oo maanta u samaxday in uu mar kale isasoo sharaxo, inkasta oo dacwad ka dhan ahi ay hortaalo maxkamada sare ee dalka uganda.

74-jirka Yoweri Musevani ayaa shacabka uganda u talinayay tan iyo
Sanadkii 1986-kii, Waxaanu kursiga ku fadhiyaa muddo ka badan 32-sanno. Waxa lagu eedeeyaa kalitalisnimo, iyo cabudhinta mucaaridka.

saabtv

Share
Published by
saabtv

Recent Posts

Dalka Jabuuti oo Tijaabiyey Dayax-gacmeedkii u horeeyey

Dalka Jabuuti ayaa hawada sare u dirtay Dayax-gacmeedkeedii ugu horeeyay ee uu dalkaasi yeesho, kaas…

6 months ago

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka Hadlay Mawqifkooda Dagaalka Gaza

Madaxweynaha Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Riyaad ee Boqortooyada Sucuudiga kaga qeyb-galay kulan…

6 months ago

Itoobiya oo Mar kale Caddaysay sida ay u Doonayso inay Bad ku hesho

Xukuumadda Itoobiya ayaa sheegtay in qorshaha ay dawlad ahaan ku doonayaan inay heleen meel ay…

6 months ago

Ajandaha Golaha Guurtida iyo qodobada xaasaasi ah ee ku jira

Ajandaha kal-fadhiga 83aad ee Golaha Guurtida Somaliland oo ka kooban 12 qodob, ayaa waxa ku…

6 months ago

Madaxweynaha Somaliland oo ka Qaybgalay 30-Guurada Kasoo Wareegtay Aas-Aaskii Ciidanka Booliska.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qayb-galay munaasibad ballaadhan oo loogu dabbaaldegayo…

6 months ago

Somaliland oo maanta Xukun Dil ah ku Fulisay Shan Nin oo lagu helay dambiyo ah inay hore dilal uga gaysteen gudaha dalka

Dawladda Somaliland ayaa subaxnimadii hore ee maanta xukun dil ah ku fulisay shan nin oo…

6 months ago