Xiisadda ka dhex aloosan gobolka Tigreega iyo dawladda dhexe ee Itoobiya, ma sababi kartaa isku dhac Militari oo dhex mara labada dhinac?

Xiisadda ka dhex aloosan xukuumadda uu gadhwadeenka ka yahay raysal-wasaaraha dalka Itoobiya, Dr. Abiy Axmed Cali iyo xisbiga haya talada gobolka Istaraatiijiga ah ee dhaca waqooyiga dalkaasi amaba gobolka Tigreega, ayaa laga cabsi qabaa inuu sababo isku dhac ciidan iyo kala go’a dalka labaad ee ugu dad tiro badan qaaradda Afrika waa Itoobiya e.

Arrinta gobolka Tigreega dalka Itoobiya, ayaa timi iyadoo uu raysal-wasaare Abiy xarbi kula jiro rabshadaha qowmiyaddiisa Oromada oo ah midda ugu badan dalka Itoobiya, kuwaas oo tabashada ay qabaan kasakow, si wayn uga cadhooday dilkii heesaagii hormuudka ka ahaa kacdoonkii uu raysal-wasaare Abiy laftiisu xukunka ku yimi sannadkii 2018-kii ee Hachalu Hundessa bishii June.

Dad ka badan 9,000 oo qof ayaa loo xidhxidhay rabshadihii ka dhashay dilka fannaankaasi, kuwaasi oo ay dadka xorriyadda u dhaqdhaqaaqaa ku tilmaameen inuu Abiy soo celiyay falal ay ku sheegeen cabudhin oo uu hore u sheegay inuu cawada u jari doono.

Xisbiga talada ka haya gobolka Tigreega ee Tigray People’s Liberation Front (TPLF), ayaa sababay siyaasad-gariir culus kadib markii ay gobolkaasi ka qabteen doorasho aanay dawladda dhexe shaqo ku lahayn, inkasta oo ay dawladda dhexe si walba uga soo horjeedsatay kuna tilmaamtay sharci darro.

Tan iyo sannadkii 1991-kii, xisbiga TPLF wuxuu ku lahaa siyaasadda Itoobiya saamayn wayn, balse tan iyo markii uu talada Itoobiya qabtay raysal-wasaare Abiy, Tigreegu waxay dareemeen kuna cawdeen in la faquuqay, xad-gudubyadii dhacay oo dhan dhakada loo saaray, guud ahaanna laga saaray mansabyada sare ee xukuumadda federaalka Itoobiya.

Tigreegu waxay sheegeen, in Abiy wakhtigiisii uu dhammaaday isla markaana ay tahay in doorasho la qabto hadda, saa haddii kale Abiy uu noqonayo hoggaamiye bilaa sharciyad ah, raysal-wasaaraha Itoobiya ayaa isagu se ku adkaysanaya inuu soo jeediyay doorasho la qabto xitaa iyada oo aanay kuwa mucaaradka ku ahi rumaysnayn inay doorasho dhici karto.

Abiy iyo dadka agdhow ayaa ku adkaysanaya in waxa doorashada dib u dhigay aanay ahayn iyaga iyo jacayl uu raysal-wasaaruhu kursiga jecel yahay, balse uu sababay xanuunka Coronavirus saas oo ay tahayna guddida komishanka doorashooyinka Itoobiya ku adkaysteen in dib loo dhigo doorashada.

Dadka siyaasadda falanqeeya ayaa muddo badan wax iska waydiiyay waxa ay yeeli doonto xukuumadda federaalka Itoobiya, balse raysal-wasaare Abiy waxaa uu sheegay inaanay marnaba suurgal ahayn oo aanu federaalku doonayn dagaal ay la galaan dadkooda.

Balse hoggaamiyeyaasha mayalka adag ee ka agdhow raysal-wasaaraha Itoobiya, kuwaasi oo uu kamid yahay General Kassaye Chemeda, wuxuu ku baaqayaa in tallaabo Militari laga qaado gobolka Tigreega, kaas oo loo arko inuu sayska u dhigayo qaabkii uu uga goosan lahaa inta kale ee Itoobiya.

Gobolka Tigreegu wuu beeniyay damaca ah inuu goosto bilowgii, inkasta oo uu soo bandhigayay awoodda ciidan ee ciidamada daacadda u ah xisbiga TPLF.

Jabhaddii Tigreega ayaa loo tiriyaa inay ahaayeen kuwii doorka wayn ka qaatay talo ka tuuriddii xukunkii Dergiga ee dalka Itoobiya maamuli jiray, iyadoo haddana lagu eedaynayo dilka heesagii Oromada ahaa.

In ka badan 50 qof oo iskugu jira dad magac ku leh dalka Itoobiya gaar ahaan dhinacyada diimaha, dhaqanka iyo siyaasadda, ayaa ka safray caasimadda dalka ee Addis, iyagoo gaadhay Makalle caasimadda maamulka Tigreega waxaanay isku dayayeen sidii waan waan looga gaadhi lahaa khilaafka ka dhex taagan dawladda dhexe iyo maamulkaasi bishii August, welise waxaa la sugayaa midho dhalka waan waanta ay wadeen.

Maamulka xisbiga TPLF waxay sheegeen in doorashooyinkii baarlamaanka maamulkaasi, ay ku guulaysteen 98%, baarlamaanka dalka Itoobiyana waxaa uu ansixiyay in xidhiidhka loo jaro maamulkaasi, xidhiidh u jariddaasi ayaan saamayn doonin adeegyada aasaasiga ah ee dadka.

 

Ahmed Mohamud

Share
Published by
Ahmed Mohamud

Recent Posts

Dalka Jabuuti oo Tijaabiyey Dayax-gacmeedkii u horeeyey

Dalka Jabuuti ayaa hawada sare u dirtay Dayax-gacmeedkeedii ugu horeeyay ee uu dalkaasi yeesho, kaas…

6 months ago

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka Hadlay Mawqifkooda Dagaalka Gaza

Madaxweynaha Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Riyaad ee Boqortooyada Sucuudiga kaga qeyb-galay kulan…

6 months ago

Itoobiya oo Mar kale Caddaysay sida ay u Doonayso inay Bad ku hesho

Xukuumadda Itoobiya ayaa sheegtay in qorshaha ay dawlad ahaan ku doonayaan inay heleen meel ay…

6 months ago

Ajandaha Golaha Guurtida iyo qodobada xaasaasi ah ee ku jira

Ajandaha kal-fadhiga 83aad ee Golaha Guurtida Somaliland oo ka kooban 12 qodob, ayaa waxa ku…

6 months ago

Madaxweynaha Somaliland oo ka Qaybgalay 30-Guurada Kasoo Wareegtay Aas-Aaskii Ciidanka Booliska.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qayb-galay munaasibad ballaadhan oo loogu dabbaaldegayo…

6 months ago

Somaliland oo maanta Xukun Dil ah ku Fulisay Shan Nin oo lagu helay dambiyo ah inay hore dilal uga gaysteen gudaha dalka

Dawladda Somaliland ayaa subaxnimadii hore ee maanta xukun dil ah ku fulisay shan nin oo…

6 months ago