Shimbirka baqayaha ah ee dad cunka ah ayaa shalay lagu dilay deegaanka Libaax qawdhama oo ka tirsan degmada Salaxley.
Shimbirkan ayaa waxa dilay sida ay dadka deegaanku sheegeen wiil geeljire ah oo uu soo weeraray isagoo geel la jooga. Wiilka dhallinyarada ah ayaa sheegay in markii uu shimbirku weerar ku soo qaaday uu iskaga celiyay budh uu sitay oo uu aakhirkii ku dilay.
Bulshada deegaanka Libaax Qawdhama ayaa soo bandhigay muuqaalka shimbirka ay dileen oo ay sheegeen inuu yahay nooca loo yaqaano baqayaha ee dad cunka ah, waxaanay sheegeen inuu shimbirkani maalmihii u dambeeyay dul wareegyay deegaanada oo ay cabsi badan ka qabeen.
Dalka Jabuuti ayaa hawada sare u dirtay Dayax-gacmeedkeedii ugu horeeyay ee uu dalkaasi yeesho, kaas…
Madaxweynaha Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Riyaad ee Boqortooyada Sucuudiga kaga qeyb-galay kulan…
Xukuumadda Itoobiya ayaa sheegtay in qorshaha ay dawlad ahaan ku doonayaan inay heleen meel ay…
Ajandaha kal-fadhiga 83aad ee Golaha Guurtida Somaliland oo ka kooban 12 qodob, ayaa waxa ku…
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qayb-galay munaasibad ballaadhan oo loogu dabbaaldegayo…
Dawladda Somaliland ayaa subaxnimadii hore ee maanta xukun dil ah ku fulisay shan nin oo…