WEERARRO XOOGAN AYAA LAGUSOO QAADAY CAASIMADA BURKINA FASO

Weeraro isdabajoog ah ayaa lagasoo Sheegayaa caasimadda Burkina Faso, sida ay sheegeen masuuliyiinta Dawladu

Ciidamada bilayska ayaa xaqiijiyay in weerarradu ay ka dhacayaan aag meel u dhow xafiiska ra’iisul-wasaaraha dalka iyo Xafiiska koowaad ee Qaramada Midoobay.

War saxaafadeed ay soo saareen ayaa sheegay in afar qof oo kamida dadka weerarka soo qaaday ay dileen ciidamada ammaanka, isaga oo intaas ku daray in howlgallada ay ka socdaan aagga.

Masuuliyiintu waxay ku waaniyeen dadka deggan inay ka fogaadaan aagga weerarku ka socdo.

Saraakiil Faransiis ah ayaa markii hore ku sheegay bogga Facebook in safaaradda Faransiiska iyo Machadka Faransiiska “la weeraray.

wararka Ayaa sheegaya in qarax iyo rasaas ay ka dhaceen meelo ku dhaw xarunta ciidamada qaranka, Oo aan ka fogayn Safaarada Faransiiska.

Sawirrada internetka lasoo dhigay ayaa muujinaya daruur weyn oo qiiq madow ku yaala badhtamaha magaalada.

Ma ahan markii ugu horreysay ee uu qarax ka dhaco caasimada Burkina Faso, inkastoo markhaati goob joog ahi aw u sheegay wakaaladda wararka Reuters in ay ragga hubeeysani markii ugu horaysay ay weerareen ilaalada xarunta dhexe ee millatariga.

Hadal kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Burkino Faso ayaa Lagu sheegay in dhismaha wasaaradda aan la weerarin, isaga oo intaa ku daray in aysan jirin wax khasaare ah Oo Soogaadhay.

safiirka Faransiiska, ayaa ku tilmaamay dhacdadan “weerar argagixiso” Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitterka.

Safaaradda Mareykanka ayaa sidoo kale iyaduna barta Twitterka ku sheegtay in dadku ay tahay in ay ka fogaadaan magaalada oo ay “raadsadaan hoy ammaan ah.

Sannadka 2015, ilaaliyayaasha madaxtooyada ee Burkina Faso ayaa isku dayay in ay afgembiyaan madaxweynihii hore Michel Kafando.

saabtv

Share
Published by
saabtv

Recent Posts

Dalka Jabuuti oo Tijaabiyey Dayax-gacmeedkii u horeeyey

Dalka Jabuuti ayaa hawada sare u dirtay Dayax-gacmeedkeedii ugu horeeyay ee uu dalkaasi yeesho, kaas…

6 months ago

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka Hadlay Mawqifkooda Dagaalka Gaza

Madaxweynaha Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Riyaad ee Boqortooyada Sucuudiga kaga qeyb-galay kulan…

6 months ago

Itoobiya oo Mar kale Caddaysay sida ay u Doonayso inay Bad ku hesho

Xukuumadda Itoobiya ayaa sheegtay in qorshaha ay dawlad ahaan ku doonayaan inay heleen meel ay…

6 months ago

Ajandaha Golaha Guurtida iyo qodobada xaasaasi ah ee ku jira

Ajandaha kal-fadhiga 83aad ee Golaha Guurtida Somaliland oo ka kooban 12 qodob, ayaa waxa ku…

6 months ago

Madaxweynaha Somaliland oo ka Qaybgalay 30-Guurada Kasoo Wareegtay Aas-Aaskii Ciidanka Booliska.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qayb-galay munaasibad ballaadhan oo loogu dabbaaldegayo…

6 months ago

Somaliland oo maanta Xukun Dil ah ku Fulisay Shan Nin oo lagu helay dambiyo ah inay hore dilal uga gaysteen gudaha dalka

Dawladda Somaliland ayaa subaxnimadii hore ee maanta xukun dil ah ku fulisay shan nin oo…

6 months ago