Taiwan oo hawl-gelisay nidaamka difaaca gantaalaha, kadib markii hawadeeda ay soo galeen diyaaradaha Shiinuhu.

Ciidamada cirka ee Taiwan ayaa hawlgaliyay nidaamkooda gantaalada kadib markii siddeed diyaaradood oo kuwa dagaalka ah oo laga leeyahay dalka Shiinaha ay u duuleen dhanka koonfur-galbeed ee aagga aqoonsiga difaaca cirka.

Arrintani ayaa kor usii qaadaysa xiisadda u dhaxaysa Taiwan iyo Shiinuhu.

Wasaaradda Difaaca ee Taiwan ayaa sheegtay Jimcihii, in diyaaradaha kala ah J-16 iyo JH-7 ah oo ay leeyihiin ciidanka cirku Shiinuhu.

Sidoo kale diyaarad dagaal oo elektiroonig ah, ay u duuleen meel u dhow Jasiiradaha Pratas ee ay Taiwan maamusho ee qaybta sare ee Badda Koonfurta Shiinaha, una gudubtay aagga koonfur-galbeed ee hawadeeda. aagga aqoonsiga difaaca.

Wasaaraddu waxay sheegtay in ciidamada cirka ee Taiwan la isku dhex yaacay, iyadoo “digniino idaacadeed la soo saaray iyo nidaamyada gantaalaha difaaca hawada la geeyay si loola socdo dhaqdhaqaaqa”.

Bilihii la soo dhaafay Shiinuhu wuxuu kordhiyay dhaqdhaqaaqiisa milatari ee ku wareegsan jasiiradda dimuqraadiga ah ee ay sheegato inay tahay dhul Shiinuhu leeyahay. Beijing waxay sheegaysaa inay ka jawaabeyso waxa ay ugu yeertay “is-afgarad” u dhexeeya Taipei iyo Washington, oo ah taageere caalami ah oo muhiim u ah Taiwan iyo hubka.

Diyaaradaha Shiinuhu waxay duulimaad ku maraan geeska koonfur-galbeed ee aagga maalin kasta, in kasta oo duulaankii ugu ballaadhnaa ee noocan ahi ahaa 24-kii Jannaayo markii ay 12 ka mid ah diyaaradaha dagaalka ee Shiinaha ka qayb qaateen

Illaa hadda ma jiraan wax hadal ah oo ka soo yeedhay dawladda Shiinaha oo lagaga hadlayo xiisadda soo cusboonaatay.

SAAB TV iska warka laga helo.

 

Ahmed Mohamud

Share
Published by
Ahmed Mohamud

Recent Posts

Dalka Jabuuti oo Tijaabiyey Dayax-gacmeedkii u horeeyey

Dalka Jabuuti ayaa hawada sare u dirtay Dayax-gacmeedkeedii ugu horeeyay ee uu dalkaasi yeesho, kaas…

6 months ago

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka Hadlay Mawqifkooda Dagaalka Gaza

Madaxweynaha Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Riyaad ee Boqortooyada Sucuudiga kaga qeyb-galay kulan…

6 months ago

Itoobiya oo Mar kale Caddaysay sida ay u Doonayso inay Bad ku hesho

Xukuumadda Itoobiya ayaa sheegtay in qorshaha ay dawlad ahaan ku doonayaan inay heleen meel ay…

6 months ago

Ajandaha Golaha Guurtida iyo qodobada xaasaasi ah ee ku jira

Ajandaha kal-fadhiga 83aad ee Golaha Guurtida Somaliland oo ka kooban 12 qodob, ayaa waxa ku…

6 months ago

Madaxweynaha Somaliland oo ka Qaybgalay 30-Guurada Kasoo Wareegtay Aas-Aaskii Ciidanka Booliska.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qayb-galay munaasibad ballaadhan oo loogu dabbaaldegayo…

6 months ago

Somaliland oo maanta Xukun Dil ah ku Fulisay Shan Nin oo lagu helay dambiyo ah inay hore dilal uga gaysteen gudaha dalka

Dawladda Somaliland ayaa subaxnimadii hore ee maanta xukun dil ah ku fulisay shan nin oo…

6 months ago