Soomaaliya iyo Qatar oo Garab u Muujiyey Dawladda Turkiga.

Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Dalka Qatar ayaa si adag uga Horyimid Go’aan ay Soosaareen Dawladaha Carabta oo Lagu Dhaleeceeyay Duulaanka uu Dalka Turkigu ku Qaaday Dalka Suuriya.

Ururka Jaamacada Carabta ayaa kulan deg deg ah ka yeeshay duulaan ciidamada Turkiga ku qaadeen dalka Syria gaar ahaan xadka ay labada dal wadaagaan, waxaana kulankan looga hadlayay weerarkaasi Turkiga qaaday.

Wasiirada Arimaha dibadda ee Jaamacada Carabta oo kulan ku yeeshay  magaalada Qaahira ee dalka Masar ayey kaga doodeen duulaanka Turkiga ku  qaaday Syria, waxaana kulankaasi lagu cambaareeyay weerarka dowlada  Turkiga.

Guddoomiyaha wadamada Jaamacadda Carabta Axmed Abul Geyd oo kulanka  ka hadlay ayaa sheegay in weerarka ciidamada Turkiga ku qaadeen gudaha  Syria uu yahay mid xad gudub ah faro galin qaawana ku ah dalalka  Carbeed.

Kulanka Jaamacada Carabta ayaa laga soo saaray Bayaan  lagu cambaareenayay duulaanka dowlada Turkiga, waxaana loogu baaqay  Turkiga in ciidamadiisa kala baxo Syria.

Bayaankaasi kasoo baxay Jaamacada Carabta ee lagu cambaareenayay dowlada Turkiga waxaa diiday in ay qeyb ka noqdaan dowladaha Soomaaliya iyo Qatar oo xiriir dhaw la leh dowlada Turkiga.

saabtv

Share
Published by
saabtv

Recent Posts

Dalka Jabuuti oo Tijaabiyey Dayax-gacmeedkii u horeeyey

Dalka Jabuuti ayaa hawada sare u dirtay Dayax-gacmeedkeedii ugu horeeyay ee uu dalkaasi yeesho, kaas…

6 months ago

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka Hadlay Mawqifkooda Dagaalka Gaza

Madaxweynaha Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Riyaad ee Boqortooyada Sucuudiga kaga qeyb-galay kulan…

6 months ago

Itoobiya oo Mar kale Caddaysay sida ay u Doonayso inay Bad ku hesho

Xukuumadda Itoobiya ayaa sheegtay in qorshaha ay dawlad ahaan ku doonayaan inay heleen meel ay…

6 months ago

Ajandaha Golaha Guurtida iyo qodobada xaasaasi ah ee ku jira

Ajandaha kal-fadhiga 83aad ee Golaha Guurtida Somaliland oo ka kooban 12 qodob, ayaa waxa ku…

6 months ago

Madaxweynaha Somaliland oo ka Qaybgalay 30-Guurada Kasoo Wareegtay Aas-Aaskii Ciidanka Booliska.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qayb-galay munaasibad ballaadhan oo loogu dabbaaldegayo…

6 months ago

Somaliland oo maanta Xukun Dil ah ku Fulisay Shan Nin oo lagu helay dambiyo ah inay hore dilal uga gaysteen gudaha dalka

Dawladda Somaliland ayaa subaxnimadii hore ee maanta xukun dil ah ku fulisay shan nin oo…

6 months ago