Somaliland iyo Taiwan oo samaysanaya xidhiidho dhanka siyaasadda iyo dhaqaalaha ah

Wasaaradda arrimaha dibadda Taiwan ayaa barteeda Twitter ku baahisay sawirrada booqasho uu halkaasi ku tegay wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon horraantii sannadkan.

Qoraal kooban oo ay wasaaradda arrimaha dibadda Taiwan raacisay sawirradaasi, ayaa waxay ku sheegtay inay Somaliland kala saxeexdeen heshiis si ay u bilaabaan heshiis wanaagsan iyadoo sidoo kale sheegtay inay xafiis-wakiileed ka furan doonto dalkan baa lagu yidhi madax bannaan ee ku yaalla geeska Afrika iyadoo lagu sheegay inay Somaliland iyo Taiwan kala durugsan yihiin kumannaan Mile, balse ay wadaagaan jacaylka qotada dheer ee xorriyada iyo dimuquraadiyadda.

Inkasta oo aan hore loo shaacin safarka wasiir Faratoon uu ku tegay caasimadda dalkaasi ee Taipei, ayaa wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland barteeda Twitter ku sheegtay in safarkani uu ahaa 23-kii bishii February ee horraantii sannadkan 2020, iyadoo ujeedka ugu wayn ee uu wasiirku halkaasi ku tagayna ku sheegtay, saxeexidda heshiis diblumaasiyadeed oo u dhexeeya Somaliland iyo Taiwan kaas oo lagu bilaabayay xidhiidhada dhanka siyaasadda iyo dhaqaalaha.

Madaxwaynaha dalka Taiwan, Tsai Ing-wen ayaa soo gelisay barteeda Twitter, sawir ay kula jirto wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, waxaanay sheegtay inay ku faraxsan tahay la kulanka wasiirka arrimahad dibadda Somaliland horrantii sannadkan, iyadoo sheegtay inay dhisayaan xidhiidh ku salaysan qiyam-wadaag.

Xidhiidho uu Saab TV arrintan kala sameeyay wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland, ayaa ilo xogogaal ahi waxay noo sheegeen inay jireen safarro kuwan ka horreeyay oo ay masuuliyiin ka socda wasaaradaha arrimaha dibadda Somaliland iyo Taiwan ugu baxeen Hargeisa iyo  Taipei, iyadoo Somaliland xafiis diblumaasiyadeed ka furatay halkaasi.

Taiwan, waa dal ku yaalla Koonfurta qaaradda Eeshiya, kaas oo sida ay muujiyeen tirikoobyo la sameeyay sannadkii 2018-kiina dadka kunool ay dhan yihiin 23, 780,452 qof, dalkani ayaa sida Somaliland aan haysan ictiraaf caalami ah, balse lagu tiriyo inuu Maraykanku ku khuukhiyo Shiinaha, oo diiddan inay ka madax bannaani ka qaadato, dalkan ayaa horumar wayn ka sameeyay dhanka dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada, kaasi oo dakhliga gudaha lagu sheegay sannadkii 2019 1.3 Trillion oo Dollar halka dakhliga shakhsiga ahina gaadhay 55,000 oo Dollar sannadkii.

 

Ahmed Mohamud

Share
Published by
Ahmed Mohamud

Recent Posts

Dalka Jabuuti oo Tijaabiyey Dayax-gacmeedkii u horeeyey

Dalka Jabuuti ayaa hawada sare u dirtay Dayax-gacmeedkeedii ugu horeeyay ee uu dalkaasi yeesho, kaas…

6 months ago

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka Hadlay Mawqifkooda Dagaalka Gaza

Madaxweynaha Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Riyaad ee Boqortooyada Sucuudiga kaga qeyb-galay kulan…

6 months ago

Itoobiya oo Mar kale Caddaysay sida ay u Doonayso inay Bad ku hesho

Xukuumadda Itoobiya ayaa sheegtay in qorshaha ay dawlad ahaan ku doonayaan inay heleen meel ay…

6 months ago

Ajandaha Golaha Guurtida iyo qodobada xaasaasi ah ee ku jira

Ajandaha kal-fadhiga 83aad ee Golaha Guurtida Somaliland oo ka kooban 12 qodob, ayaa waxa ku…

6 months ago

Madaxweynaha Somaliland oo ka Qaybgalay 30-Guurada Kasoo Wareegtay Aas-Aaskii Ciidanka Booliska.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qayb-galay munaasibad ballaadhan oo loogu dabbaaldegayo…

6 months ago

Somaliland oo maanta Xukun Dil ah ku Fulisay Shan Nin oo lagu helay dambiyo ah inay hore dilal uga gaysteen gudaha dalka

Dawladda Somaliland ayaa subaxnimadii hore ee maanta xukun dil ah ku fulisay shan nin oo…

6 months ago