Somaliland ayaa si adag uga hadashay cambaaraynta Soomaaliya ee xidhiidhka Taiwan iyo Somaliland

Wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland, ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay wax ay kaga jawaabtay qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya kaasi oo lagu cambaareeyay xidhiidhka Taiwan iyo Somaliland.

Qoraalka kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland, ayaa lagu yidhi:

‘’Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxay u aragtaa falcelinta Soomaaliya ee xafiis-wakiileedka Taiwan ee Somaliland  mid layaab leh  oo  marin habaabinaya umadaha adduunka.

Warsaxaafadeedka kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland, ayaa lagu yidhi:

‘’Jamhuuriyadda Somaliland waxay horeba u lahayd xidhiidho diblomaasiyadeed iyo xidhiidho-wax ku ool ah oo ay la lahayd wadamo badan oo ka tirsan Afrika, Yurub, iyo Aasiya.

Xidhiidhka cusub ee Taiwan iyo Somaliland, wuxuu kamid yahay iskaashiga noocan ah iyo saaxiibtinimada fog ee ka dhaxaysa Somaliland iyo xubnaha beesha caalamka ayaa lagu yidhi warasaxaafadeedka ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland kaas oo loogu jawaabayay qoraalkii ay hore usoo saartay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

Jamhuuriyadda Somaliland waxay dib ula soo noqotay qaranimadeeda 199-kii,  ka dib shacabka reer Somaliland waxay si wada jir ah u go’aansadeen inay ka baxaan midnimadii fashilantay ee u dhaxaysay Somaliland iyo Soomaaliya sanadkii 1960-kii,

Sidaa daraadeed, qaranimada Somaliland iyo jiritaankeeda dhuleed ayaa ah mid aan lagu murmi karin oo aan laga tirtiri karin sooyaalkan taariikheed.

Qoraalka kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland ayaa lagu yidhi:

 ‘’Sidii ay dawladaha Afrika dib ugu xaqiijiyeen Baaqa Qaahira 1964-kii,

Xuduudaha Afrika waa inay ahaadaan sidii gumeystihii u qeexay Jamhuuriyadda Somalilandna waxay kamid tahay waddammada ku dhawaaqiddaas ku ansaxisay soohdintooda.

Dawladda Somaliland waxay dooneysaa inay ku celiso in xidhiidhka laba geesoodka ah ee ka dhexeeya Somaliland iyo Taiwan uu ku saleysanyahay iscelin iyo qiimaha aannu wadaagno ee nabadda, xorriyadda, iyo dimoqraadiyadda.

Wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland waxay sheegtay in

dacaayadaha aan lahayn bay tidhi sal ee ka imanaya Soomaaliya aanay ka horjoogsan doonin xidhiidhkan taariikhiga ah ee u dhexeeya labada dal.

Qoraalka kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland ee loogu jawaabay kii shalay kasoo baxay Soomaaliya, ayaa lagu yidhi:

‘’Dawladda Somaliland, waxay mar labaad uga digaysaa maamulka Soomaaliya inuu ka waantoobo hadallada aan caqli-galka ahayn iyo bayaannada aan baraarugsanayn ee soo noqnoqda iyadoo loo dan leeyahay adduunka. Gabagabada qoraalka wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland, ayaa waxaa lagu yidhi: ‘’Somaliland waa dal madax-bannaan oo masuul ah kaas oo tixgeliya arrimaha dalalka kale. 

 

Axmed Maxamuud Yuusuf, telefishanka Saab, Hargeysa.

Ahmed Mohamud

Share
Published by
Ahmed Mohamud

Recent Posts

Dalka Jabuuti oo Tijaabiyey Dayax-gacmeedkii u horeeyey

Dalka Jabuuti ayaa hawada sare u dirtay Dayax-gacmeedkeedii ugu horeeyay ee uu dalkaasi yeesho, kaas…

6 months ago

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka Hadlay Mawqifkooda Dagaalka Gaza

Madaxweynaha Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Riyaad ee Boqortooyada Sucuudiga kaga qeyb-galay kulan…

6 months ago

Itoobiya oo Mar kale Caddaysay sida ay u Doonayso inay Bad ku hesho

Xukuumadda Itoobiya ayaa sheegtay in qorshaha ay dawlad ahaan ku doonayaan inay heleen meel ay…

6 months ago

Ajandaha Golaha Guurtida iyo qodobada xaasaasi ah ee ku jira

Ajandaha kal-fadhiga 83aad ee Golaha Guurtida Somaliland oo ka kooban 12 qodob, ayaa waxa ku…

6 months ago

Madaxweynaha Somaliland oo ka Qaybgalay 30-Guurada Kasoo Wareegtay Aas-Aaskii Ciidanka Booliska.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qayb-galay munaasibad ballaadhan oo loogu dabbaaldegayo…

6 months ago

Somaliland oo maanta Xukun Dil ah ku Fulisay Shan Nin oo lagu helay dambiyo ah inay hore dilal uga gaysteen gudaha dalka

Dawladda Somaliland ayaa subaxnimadii hore ee maanta xukun dil ah ku fulisay shan nin oo…

6 months ago