Somaliland ayaa sheegtay inay jiraan dad loo karantiilay cudurka Coronavirus kuwaas oo uu baadhintaan ku socdo.

Gudidii heer qaran ee ka hortaga iyo u diyaargarowga cudurka COVID 19 oo uu Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Gudoomiye u yahay ayaa maanta Kulan balaadhan Saxaafada Madaxa banaan kula qaadatay Gudaha Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigelinta.

Masuuliyiinta Gudidaasi oo halkaasi ka hadashay ayaa ayaa saxaafada madaxabanaan kala hadlay qaabka iyo sida loo faafinaayo Wararka la xidhiidha Xanuunka dunida saameeyey ee Carona Virus, waxaanay madaxdu sheegtay in wakhtigan lagu jirto xaalad deg deg ah loona baahan yahay in Saxaafadu ay aad uga fiirsadaan wararka la xidhiidha xaaladahaasi.

Gudoomiyaha guddida ahna Madaxweyne Ku Xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo gebagebadii halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in aan ilaa hadda lahayn cid rasmiya oo la xaqiijiyey inuu hayo cucurkaasi, balse ay jiraan dad karatiimaynsan oo Wasaaradda Caafimaadku ku hawlan tahay baadhitdaankooda, sidoo kalena Madaxweyne ku xigeenku waxa uu xusay inay jiraan dad kasoo jeeda Gobolada Putland oo kasoo degay Garoomada Somaliland kuwaasi oo iyagana la karantiimeeyey haddana ay ku wareejin doonaan maamulkooda.

Dhanka kalena guddida ayaa qalab isugu jira Taangiyada Faraxalka iyo Saabuun kala wareegay Wasaaradda Horumarinta Khyeraadka Biyaha, waxaanay gudidu fariin caafimaad si wada jir ah ugu direen guud ahaanba Bulshada Somaliland oo ay ugu baaqeen inay joojiyaan isu imaatinka islamarkaana ay ku sugnaadaan guryahooda.

Wararkii ugu dambeeyay kala soco Saab TV.

Ahmed Mohamud

Share
Published by
Ahmed Mohamud

Recent Posts

Dalka Jabuuti oo Tijaabiyey Dayax-gacmeedkii u horeeyey

Dalka Jabuuti ayaa hawada sare u dirtay Dayax-gacmeedkeedii ugu horeeyay ee uu dalkaasi yeesho, kaas…

6 months ago

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka Hadlay Mawqifkooda Dagaalka Gaza

Madaxweynaha Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Riyaad ee Boqortooyada Sucuudiga kaga qeyb-galay kulan…

6 months ago

Itoobiya oo Mar kale Caddaysay sida ay u Doonayso inay Bad ku hesho

Xukuumadda Itoobiya ayaa sheegtay in qorshaha ay dawlad ahaan ku doonayaan inay heleen meel ay…

6 months ago

Ajandaha Golaha Guurtida iyo qodobada xaasaasi ah ee ku jira

Ajandaha kal-fadhiga 83aad ee Golaha Guurtida Somaliland oo ka kooban 12 qodob, ayaa waxa ku…

6 months ago

Madaxweynaha Somaliland oo ka Qaybgalay 30-Guurada Kasoo Wareegtay Aas-Aaskii Ciidanka Booliska.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qayb-galay munaasibad ballaadhan oo loogu dabbaaldegayo…

6 months ago

Somaliland oo maanta Xukun Dil ah ku Fulisay Shan Nin oo lagu helay dambiyo ah inay hore dilal uga gaysteen gudaha dalka

Dawladda Somaliland ayaa subaxnimadii hore ee maanta xukun dil ah ku fulisay shan nin oo…

6 months ago