Siyaasi caan ah oo madaxwayne Farmaajo ku dhaliilay inuu roog cas dhigtay xilli ay cabsi iyo baqdin hayso

”Madaxwaynuhu waa taliyaha ciidanka qalabka sida. Waa in awooddiisa hoggaan uu inta kale tusaale ugu noqdo dhinaca dhiirranaanta, naf hurka, geesinnimada iyo tawaaduca.

Villa Somalia waxaa lagu horgooyey laamiyaal askar jiifta ah, waxaa lagu xiray isbaarooyin qufullo leh, waxaa laga mamnuucay shacabka, masuuliyiintii kale ee Dowladda in ay ciidan lasoo galaan ama la agmaraan iyagana waa laga joojiyay.

Madaxwaynuhu wuu ka baaqday xuska maalinta Booliska Soomaaliyeed, maantana halkii uu tegi lahaa wasaaradda Qorshaynta ayuu madaxtooyada qaybta deeganka ah isugu yeeray inta badan Golihii Wasiirrada si uu uga hadlo xaflad lagu daahfurayey qorshaha qaranka. Waxaa ka sii daran in uu roog cas fidsaday inta u dhaxaysa hoygiisa iyo saalada fadhigga martida oo 6 mitir isku jira.

Madaxwaynaha waxaa ka muuqda cabsi nafsi ah iyo shaki badan. Waxaase fajaciso kale ah in goobtaas laga leeyahay doorasho qof iyo cod ah ayaan dalka ka qabanaynaa.

Ruux cabsi iyo baqdin intaa la egi hayso, kuwa agjoogana ay u sacaba tumayaan, runtana aysan kula dhiirran karin, ma kula tahay in ay sidan hoggaan ugu sii ahaan karaan dal la doonayo in cadaw argagexiso laga xoreeyo, dadkiisana colaad sokeeye laga saaro?”

Qoraalkan, ayaa waxaa qoray siyaasiga caanka ah ee Cabdirraxmaan Cabdishakuur Warsame, kaasoo mar walba ku dhaliila xukuumadda nabad iyo nolol maamul-xumo baahsan.
Weerar uu sheegay inay Dawladda Soomaaliya kusoo qaadday gurigiisa, ayaa lagu dilay ilaalladiisii gaarka ahayd, inkasta oo xukuumadda nabad iyo nolol ay marar badan dhegaha ka furaysatay dhaliisha siyaasi Warsame, haddana wuxuu u muuqdaa mid sii wada,
Kala soco wararkii ugu dambeeyay Saab TV, waa meesha kuugu dhow ee aad ka heli karto warar xaqiiqada ku sal leh.
Ahmed Mohamud

Share
Published by
Ahmed Mohamud

Recent Posts

Dalka Jabuuti oo Tijaabiyey Dayax-gacmeedkii u horeeyey

Dalka Jabuuti ayaa hawada sare u dirtay Dayax-gacmeedkeedii ugu horeeyay ee uu dalkaasi yeesho, kaas…

5 months ago

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka Hadlay Mawqifkooda Dagaalka Gaza

Madaxweynaha Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Riyaad ee Boqortooyada Sucuudiga kaga qeyb-galay kulan…

5 months ago

Itoobiya oo Mar kale Caddaysay sida ay u Doonayso inay Bad ku hesho

Xukuumadda Itoobiya ayaa sheegtay in qorshaha ay dawlad ahaan ku doonayaan inay heleen meel ay…

6 months ago

Ajandaha Golaha Guurtida iyo qodobada xaasaasi ah ee ku jira

Ajandaha kal-fadhiga 83aad ee Golaha Guurtida Somaliland oo ka kooban 12 qodob, ayaa waxa ku…

6 months ago

Madaxweynaha Somaliland oo ka Qaybgalay 30-Guurada Kasoo Wareegtay Aas-Aaskii Ciidanka Booliska.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qayb-galay munaasibad ballaadhan oo loogu dabbaaldegayo…

6 months ago

Somaliland oo maanta Xukun Dil ah ku Fulisay Shan Nin oo lagu helay dambiyo ah inay hore dilal uga gaysteen gudaha dalka

Dawladda Somaliland ayaa subaxnimadii hore ee maanta xukun dil ah ku fulisay shan nin oo…

6 months ago