Shiinaha ayaa si adag uga xanaaqay gantaalo uu Maraykanku rabo inuu ka iibiyo jasiiradda Taiwan.

Dawladda Shiinaha ayaa si adag u xanaaqday kadib markii dawladda Maraykanku ay Congress-ka ku wargelisay suurtagalnimada inay gantaallo ka iibiso jasiiradda Taiwan.

Afahayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda Shiinaha, ayaa waxaa uu sheegay in dawladda Shiinuhu  samaynayso wixii karaankeeda si aan gantaalahaa looga iibin  Taiwan, taas oo sii xumayn karta xaaladda.

Gantaalaha uu Maraykanku  doonayo inuu ka iibyo Jasiiraddan Shiinuhu sheegto inay  kamid tahay dalkiisa balse iyadu diiddan, ayaa ah kuwa laga rido biyaha badda hoostooda.

Waaxda arrimaha dibadda Maraykanka ayaa qalinka ku duugtay iibka gantaalahan layidhaa 18  MK-48 Mod6, kuwaas oo kharashka lagu iibinayana ku sheegay inay dhan tahay 180 Milyan oo Dollar-ka Maraykanka ah.

Jasiiradda Taiwan, ayaanu Maraykanku la lahayn wax xidhiidh dublumaasiyadeed oo toos ah, balse sida dalal badan oo ku yaalla adduunka, haseyeeshee waxaa uu Maraykanku u arkaa Taiwan, mid uu Shiinaha ku khuukhiyo markasta oo ay xurgufi dhex martana dookha koowaad u soo gala.

Shiinaha ayaa mar walba ka diga khalkhal ku yimaad xidhiidhkooda oo ka dhasha taageerada Militari ee Taiwan uu siinayo Maraykanku.

 

Ahmed Mohamud

Share
Published by
Ahmed Mohamud

Recent Posts

Dalka Jabuuti oo Tijaabiyey Dayax-gacmeedkii u horeeyey

Dalka Jabuuti ayaa hawada sare u dirtay Dayax-gacmeedkeedii ugu horeeyay ee uu dalkaasi yeesho, kaas…

6 months ago

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka Hadlay Mawqifkooda Dagaalka Gaza

Madaxweynaha Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Riyaad ee Boqortooyada Sucuudiga kaga qeyb-galay kulan…

6 months ago

Itoobiya oo Mar kale Caddaysay sida ay u Doonayso inay Bad ku hesho

Xukuumadda Itoobiya ayaa sheegtay in qorshaha ay dawlad ahaan ku doonayaan inay heleen meel ay…

6 months ago

Ajandaha Golaha Guurtida iyo qodobada xaasaasi ah ee ku jira

Ajandaha kal-fadhiga 83aad ee Golaha Guurtida Somaliland oo ka kooban 12 qodob, ayaa waxa ku…

6 months ago

Madaxweynaha Somaliland oo ka Qaybgalay 30-Guurada Kasoo Wareegtay Aas-Aaskii Ciidanka Booliska.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qayb-galay munaasibad ballaadhan oo loogu dabbaaldegayo…

6 months ago

Somaliland oo maanta Xukun Dil ah ku Fulisay Shan Nin oo lagu helay dambiyo ah inay hore dilal uga gaysteen gudaha dalka

Dawladda Somaliland ayaa subaxnimadii hore ee maanta xukun dil ah ku fulisay shan nin oo…

6 months ago