Raysal-wasaarihii dhawaan la magacaabay ee dalka Lebnaan, ayaa iscasilay markii uu soo dhisi waayay xukumad cusub.

 

Ra’isulwasaarihii dhawaan uu la magaacaabay ee dalka Lebanon Mustapha Adib ayaa maanta ku dhawaaqay in uu is-casilay, ka dib markii uu ku guul-darreystay dedaallo uu waday muddo bil ahayd, kuwaasi oo uu ku damacsanaa in uu ku soo magacaabo gole wasiirro oo cusub.

Isacasilaadda raysal-wasaaraha magacaaban ee dalkaasi Lebnaan, ayaa dhabar-jab iyo nusqaan wayn ku noqoneysa isku dayo ay dowladda Faransiisku ku dooneysay in hogaamiyeyaasha siyaasadda dalkan ku yaalla bariga dhexe ee Lebnaan ay ku gaadhaan xal deg-deg ah, si wax looga qabto qalaalaase xooggan oo kataagan dalkaasi, kaasi oo ay warbaahinta adduunku  ku sheegtay inuu yahay kii ugu xumaa ee soo mara dalkaasi tan iyo markii si rasmi ah uu usoo afjarmay dagaalkii sokeeye ee waddankaasi sida wayn u sameeyay sannakdii 1990-kii.

Lebnaan ayaa ka sokow xaaladaha laga cabsi qabo ee ammaan darro, ayaa waxaa ka taagan dhaqaale burbur xoog leh, inkasta oo ay jireen dhibaatooyin dhaqaale oo halkaasi ka taagnaa, haddana dadka siyaasadda ka faallooda qaarkooda ay sheegayaan inuu sii kiciyay qaraxii ka dhacay dekedda magaalada, kaasi oo boqolaal kun oo qof baday hoy la’aan iyo xaalad bini-aadanimo oo daran.

Ra’isulwasaaraha is casilay ee dalka Lebnaan Mustapha Adib, oo horayna u ahaa safiirkii Lubnaan ee dalka Jarmalka ayay baarlamaanka dalkaasi codka kalsoonida siiyeen 31-kii bishii hore, ka dib markii uu magacaabistiisa ku taliyay madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron.

Faransiiska oo saameyn siyaasadeed ku leh Lubnaan ayaa ku dadaalaya sidii loo heli laa xukuumad si deg deg ah wax uga qabata musuq-maasuqa ka jiraa dalkaasi, islamarkaana dhaqan-gelisa is baddallada ay beesha caalamku dooneyso, si loo helo balaayiin dollar oo wax looga qabanayo dhaqaalaha liita ee Lebnaan ka taagan hadda.

Wararkii ugu dambeeyay kala soco Saab TV.

Ahmed Mohamud

Share
Published by
Ahmed Mohamud

Recent Posts

Dalka Jabuuti oo Tijaabiyey Dayax-gacmeedkii u horeeyey

Dalka Jabuuti ayaa hawada sare u dirtay Dayax-gacmeedkeedii ugu horeeyay ee uu dalkaasi yeesho, kaas…

6 months ago

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka Hadlay Mawqifkooda Dagaalka Gaza

Madaxweynaha Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Riyaad ee Boqortooyada Sucuudiga kaga qeyb-galay kulan…

6 months ago

Itoobiya oo Mar kale Caddaysay sida ay u Doonayso inay Bad ku hesho

Xukuumadda Itoobiya ayaa sheegtay in qorshaha ay dawlad ahaan ku doonayaan inay heleen meel ay…

6 months ago

Ajandaha Golaha Guurtida iyo qodobada xaasaasi ah ee ku jira

Ajandaha kal-fadhiga 83aad ee Golaha Guurtida Somaliland oo ka kooban 12 qodob, ayaa waxa ku…

6 months ago

Madaxweynaha Somaliland oo ka Qaybgalay 30-Guurada Kasoo Wareegtay Aas-Aaskii Ciidanka Booliska.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qayb-galay munaasibad ballaadhan oo loogu dabbaaldegayo…

6 months ago

Somaliland oo maanta Xukun Dil ah ku Fulisay Shan Nin oo lagu helay dambiyo ah inay hore dilal uga gaysteen gudaha dalka

Dawladda Somaliland ayaa subaxnimadii hore ee maanta xukun dil ah ku fulisay shan nin oo…

6 months ago