Madaxtooyada Soomaaliya ayaa baahisay war-murtiyeed laga soo saaray shirka wadatashiga doorashooyinka Soomaaliya iyo sida ay Villa Soomaaliya sheegtay dhammaystirka heshiisyadii magaalada Dhuusamareeb oo loo bedelay Samareeb.
Qoraalka kasoo baxay Villa Soomaaliya ayaa u dhignaa sida tan:
Shir ay yeesheen Madaxda Dowlada Federaalka ah iyo Dowladaha Xubnaha ka ah oo uu shir guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayna ka qayb-galeen Ku-simaha Raysul Wasaaraha Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Madaxweynaha Dowlada Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni, Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Madaxweynaha Hirshabelle Mudane Maxamed Cabdi Waare iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed. Shirkaas wuxuu ka dhacay magaalada Mugdisho intii u dhaxaysay 13 -17 Sebteember 2020.
Shirkan waxa uu dabasocday Kulamo isdaba joog ahaa oo kasoo bilowday Samareeb 1 oo ay isugu yimaadeen Madaxweynayaasha Dowladaha Xubnaha ka ah Dowlada Federalka ah ee Puntland, Jubbaland, Galmudug, Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed, oo uu ka dhashay Samareeb 2 oo ay wadatashi ku yeesheen Madaxda Dowlada Federaalka ah iyo Madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah Dowlada Federaalka ah iyo Gobolka Banaadir oo la xiriiray sidii dalka doorasho waqtigeeda ku qabsoonta ay uga dhici lahayd. Waxaa xusid mudan in shirkan Muqdisho uu dhammeytir u yahay heshiiskii Samareeb 3.
Shir-madaxeedkan inta uu socday waxaa la isla gorfeeyay xaaladaha siyaasadeed, amni iyo bulsho ee ku hareeraysan qabsoomidda doorashada Barlamaanka Federaalka ah iyo tan Madaxweynaha, taas oo ku dhacda waqtigeeda si waafaqsan heshiisyadii Samareeb.
Haddaba iyadoo taas laga ambaqaadayo, waxay Madaxdu ku dul shaqeeyeen heshiiskii kasoo baxay Samareeb 3. Falanqeyn dheer keddib, iyaga oo dhawraya midnimada dalka iyo wadajirkiisa, tixgelinayana xaaladaha amni iyo siyaasadeed ee dalka ka jira, loona qaban lahaa doorasho xilligeeda ku dhacda, waxay isla qaateen qodobada soo socda;
Muqdisho, Sebteembar 17, 2020
Wararkii ugu dambeeyay kala soco Saab TV.
Dalka Jabuuti ayaa hawada sare u dirtay Dayax-gacmeedkeedii ugu horeeyay ee uu dalkaasi yeesho, kaas…
Madaxweynaha Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Riyaad ee Boqortooyada Sucuudiga kaga qeyb-galay kulan…
Xukuumadda Itoobiya ayaa sheegtay in qorshaha ay dawlad ahaan ku doonayaan inay heleen meel ay…
Ajandaha kal-fadhiga 83aad ee Golaha Guurtida Somaliland oo ka kooban 12 qodob, ayaa waxa ku…
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qayb-galay munaasibad ballaadhan oo loogu dabbaaldegayo…
Dawladda Somaliland ayaa subaxnimadii hore ee maanta xukun dil ah ku fulisay shan nin oo…