Maxaa ugu muhiimsan ee madaxweyne Biixi uu ka hadlay?

Madaxweynaha Jamhuriyadda Somaliland ayaa khudbad-sanadedkiisii 3aad u jeediyay xildhibaanada baarlamanka Somaliland, oo ka kooban golaha Wakiilada iyo golaha Guurtida.

Madaxweyne Biixi ayaa ka hadlay arimaha dhaqaalaha, amniga, shaqo la’aanta dhalinyarada, siyaasadda arimaha dibadda ee Somaliland iyo arinta Soomaaliya oo si gaaar ah ugu dheeraaday. Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka hadlay arimo si aad ah loo danaynayay oo ay ka mid ahayd, kulankii dhex amray isaga iyo Farmaajo, imaatinka Farmaajo ee Hargeysa iyo wada hadalada labada dhinac.

Muuse Bixii wuxuu xusay in koritaanka dhaqaalaha Somaliland uu gaabis ka dhigayo caadaadisyada saaran dawladdisa, isagoo intaa ku daray in hadda guud ahaan uu wanaagsanyahay.

Amniga waddanka ayuu sheegay in sanadka 2020 uu ahaa mid si taam ah loo sugay isagoo mahad-naq usoo jeediyay shacabka Somaliland oo uu xusay in ay iyagu keeneen nabadda. Bixii wuxuu tibaaxay in ciidanka qaranka Somaliland uu sugay dhamaan xuduudaha waddanka dhan kastaba.

Shaqo la’aanta dhalinyarada ayuu is-dultaagay madaxweynuhu isagoo xusay in ay sameeyeen sanduuq lagu horumarinayo, oo dhigaalka ugu horeeyana ay imika ku bixiyeen lacag dhan $200,000.

Doorashooyinka uu muranka badani ka taaganyahay ayuu madaxweynuhu ka hadlay. Mudane Biixi ayaa balanqaadya in uu furayo xisbiyo cusub, taasina ay noqon doonto xalka kaliya ee lagusoo af-jarayo mruanka jiitamaya ee doorashooyinka.

Siyasadda arimaha dibadda ee Somaliland ayuu madaxweynuhu sidoo kale darsay. Wuxuu sheegay in Midawga Afrika ay hadda diyaar u yihiin in ay dhagaystaan qadiyadda Somaliland. Wadamo ay ka mid yihiin Turkiga iyo Swden ayaa si gaar ah u danaynaya in ay glaan arintan, waa sida uu hadalka u dhigaye. Dhanka kale, wuxuu tibaaxay in kulankii magaalada Addis ku dhex maray isaga iyo madaxweynaha Soomaaliya uu ahaa mid uu si aan ku talo gal ahayn iskugu yeedhay raysalwasaaraha Itoobiya.

Madaxweyne Bixii wuxuu soo dhaweeyay raaligalintii uu madaxweyne Farmaajo ka bixiyay xasuuqii ka dhacay deegaanada Somaliland wakhtigii dawladdii Siyaad Barre.

Ugu danbayn, Bixii wuxuu waxba kama jiraan ku tilmaamay in Farmaajo uu imanayo magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland, isagoo xusay in aanay waligeed dhici doonin. Muuse Biixi wuxuu soo qaatay gabay uu tiriyay abwaan Faarax Nuur oo kala-gooye la odhan jiray, waxaana tuducyadiisa ka mid ahaa: “Qosol beena , foolal qayaxan , qiil aan garanaayo. Booraan afkii laga qafilay , qabarna hoos yaallo. Doqonbaa halkii lagu qatali , qoorta soo dhigane. Maanigaa midiyo lay qarshaa , laygu qali doono ?”

Saab Tv

Share
Published by
Saab Tv

Recent Posts

Dalka Jabuuti oo Tijaabiyey Dayax-gacmeedkii u horeeyey

Dalka Jabuuti ayaa hawada sare u dirtay Dayax-gacmeedkeedii ugu horeeyay ee uu dalkaasi yeesho, kaas…

6 months ago

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka Hadlay Mawqifkooda Dagaalka Gaza

Madaxweynaha Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Riyaad ee Boqortooyada Sucuudiga kaga qeyb-galay kulan…

6 months ago

Itoobiya oo Mar kale Caddaysay sida ay u Doonayso inay Bad ku hesho

Xukuumadda Itoobiya ayaa sheegtay in qorshaha ay dawlad ahaan ku doonayaan inay heleen meel ay…

6 months ago

Ajandaha Golaha Guurtida iyo qodobada xaasaasi ah ee ku jira

Ajandaha kal-fadhiga 83aad ee Golaha Guurtida Somaliland oo ka kooban 12 qodob, ayaa waxa ku…

6 months ago

Madaxweynaha Somaliland oo ka Qaybgalay 30-Guurada Kasoo Wareegtay Aas-Aaskii Ciidanka Booliska.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qayb-galay munaasibad ballaadhan oo loogu dabbaaldegayo…

6 months ago

Somaliland oo maanta Xukun Dil ah ku Fulisay Shan Nin oo lagu helay dambiyo ah inay hore dilal uga gaysteen gudaha dalka

Dawladda Somaliland ayaa subaxnimadii hore ee maanta xukun dil ah ku fulisay shan nin oo…

6 months ago