Categories: Wararka

Maraykanka oo xusay weerarkii argagixiso ee ugu xumaa ee lala beegsado

Wuxuu ahaa weerarkii ugu waynaa ee argagixiso, ee lagu soo qaado ciidda Maraykanka, sida ay dawladda Maraykanku sheegtay, dad badan, oo kamid ah dadwaynaha Maraykanka, ayaa maalintaa mooday in dalkoodii dunida ugu xoogga waynaa dal kale dibadda kasoo weeraray.

 

Weerarradii 11-kii September, sannadkii 2001, lagu qaaday Maraykanka, ayaa bedelay guud ahaan dunida oo dhan, dad ku dhow 3000 oo qof, ayaa naftooda ku waayay, halka ay 6000 oo kalena ku dhaawacmeen, khasaaraha maaliyadeed, ayaa lagu qiyaasay illaa 10 Malyuun oo dollar. 

 

Afar diyaaradaha rakaabka ah, oo ay kala lahaayeen shirkadaha United Airlines iyo American Airlines, kuwaasoo ka kacay waqooyi-bari Maraykanka, ayay afduubeed 19 af-duube.

Duulimaadyadii kala ahaa American Airlines 11 iyo United Airlines 175, ayaa kala duqeeyay saraha dhaadheer ee waqooyi iyo koonfur ku kala yaal xarunta ganacsiga adduunka.

 

Telefishannada dunida, ayaa si toos ah looga arkayay saraha dhaadheer oo qiiqaya, dabadeed dumaya.

Maraykanka, ayaa weerarradan ku eedeeyay kooxda Alqaacida, isagoo bilaabay weerarro uu ugu yeedhay aragagixiso la dagaallan, dagaalladan, ayaa  sababay geerida dad badan oo aan waxba galabsan iyo burburka dalalk dhisnaa, kuwaas oo uu Maraykanku ku eedeeyay inay gacan siin jireen kooxda Alqaacida.

 

Maanta, ayaa Maraykanka laga xusayaa 18 sanno guuradii kasoo wareegtay weerarradaas, iyada oo madaxwayne Trump uu aqalka cad ku xusi doono daqiiqado aamusnaan ah, kahor inta aanu xarunta wasaaradda gaashaandhigga ee Pentagon oo kamid ahayd meelihii la weeraray berigaas aanu kula kulmin ehellada dadkii lagu laayay.

 

Halka ay dadkii ku dhaawacmay iyo ehellada dadkii ku dhintayna ay iskugu soo ururi doonaan Ground Zero, oo ah goobtii lagu burburiyay daarihii dhaadheeraa ee xarunta ganacsiga adduunka.

Axmed Maxamuud Yuusuf, Telefishanka Saab, Hargeysa.

Ahmed Mohamud

Share
Published by
Ahmed Mohamud

Recent Posts

Dalka Jabuuti oo Tijaabiyey Dayax-gacmeedkii u horeeyey

Dalka Jabuuti ayaa hawada sare u dirtay Dayax-gacmeedkeedii ugu horeeyay ee uu dalkaasi yeesho, kaas…

6 months ago

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka Hadlay Mawqifkooda Dagaalka Gaza

Madaxweynaha Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Riyaad ee Boqortooyada Sucuudiga kaga qeyb-galay kulan…

6 months ago

Itoobiya oo Mar kale Caddaysay sida ay u Doonayso inay Bad ku hesho

Xukuumadda Itoobiya ayaa sheegtay in qorshaha ay dawlad ahaan ku doonayaan inay heleen meel ay…

6 months ago

Ajandaha Golaha Guurtida iyo qodobada xaasaasi ah ee ku jira

Ajandaha kal-fadhiga 83aad ee Golaha Guurtida Somaliland oo ka kooban 12 qodob, ayaa waxa ku…

6 months ago

Madaxweynaha Somaliland oo ka Qaybgalay 30-Guurada Kasoo Wareegtay Aas-Aaskii Ciidanka Booliska.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qayb-galay munaasibad ballaadhan oo loogu dabbaaldegayo…

6 months ago

Somaliland oo maanta Xukun Dil ah ku Fulisay Shan Nin oo lagu helay dambiyo ah inay hore dilal uga gaysteen gudaha dalka

Dawladda Somaliland ayaa subaxnimadii hore ee maanta xukun dil ah ku fulisay shan nin oo…

6 months ago