Categories: Wararka

Madaxweyne Muuse Biixi Oo Farxadda kala Qayb-galay 150 Arday oo Ka Qalin jebiyey Jaamacadda Tima-cadde

Madaxweyne Muuse Biixi Oo Farxadda kala Qayb-galay 150 Arday oo Ka Qalin jebiyey Jaamacadda Tima-cadde.

Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska madaxtooyada Somaliland, ayaa sidan lagu yidhi;

Gabiley-12-09-2019-()-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta farxadda kala qaybgalay 150 arday oo ka qalinjebiyey jaamacadda Tima-cadde ee magaalada Gabiley.

Munaasibadda qalin-jebinta 150-ka Arday oo ah dufcaddii 7-aad ee ka baxda jaamacadda Tima-cadde, ayaa lagu qabtay hoolka jaamacadda Tima-cadde ee xarunta magaalada Gabiley, waxa ka qaybgalay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, xubno kamid ah golaha wasiirrada, xildhibaanno, hormuudka jaamacadda Tima-cadde, siyaasiyiin, madax-dhaqameed, waalidiin iyo marti-sharaf kale, waxana madasha laga jeediyey hadallo lagu fooladaynayo ardayda qalin-jebisay, laguna dhiirrigelinayo inay tacliintooda sii wataan.

Guddoomiyaha jaamacadda Tima-cadde Prof. Cismaan Yuusuf Magan oo madasha daah-furay, ayaa ku dheeraaday marxaladihii kala duwanaa ee ay jaamacaddu soo martay, dedaalka iyo dhabar-adaygga ay ardaydaasi sameeyeen iyo sida ay uga soo dhalaaleen kaalintii ardaynimo muddadii ay jaamacadda ku jireen, isaga oo ka codsaday in cilmiga ay barteen ay dadkooda, dalkooda iyo naftoodaba uga faa’iideeyaan.

Xildhibaan Ismaaciil Cabdiraxmaan oo kamid ah boodhka sare ee jaamaadda Tima-cadde oo ardayda u jeediyey hadal dardaaran iyo hogo-tusaalayn isugu jira, ayaa maamulka iyo macallimiinta jaamacadda Tima-cadde dedaalka ay ardaydaas geliyeen iyo sida ay uga soo dhalaaleen himiladii reer Gabiley ee ahayd inay Jaamacad aqoonyahanno soo saartay yeeshaan.

Wasiirka wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska, Mudane Cismaan Jaamac Aadan, ayaa isaguna soo dhaweeyey ardayda cusub ee jaamacadda Tima-cadde ka qalin-jebisay, waxana uu ku adkeeyey inay aqoontooda ku muujiyaan Gabiley iyo guud ahaanba deegaannada kale ee Somaliland.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo Ardayda u jeediyey hadallo dhinacyo badan taabanaya, ayaa ku bogaadiyey adkaysiga iyo naf-hurnimada ay sameeyeen muddadii ay geeddiga waxbarashada kusoo jireen, isaga oo xasuusiyey waajibka ka saaran in cilmiga ay barteen ay uga faa’iideeyaan bulshadooda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu Ardayda qalinjebisay xasuusiyey abaalka laga sugayo iyo nuxurka ka dambeeya fooladaynta heer qaran gaadhsiisan ee lagu sharfay, waxana uu yidhi, “Arday kasta oo qalinjebinaya oo koofiyad qaatayow oo qaranka iyo qoyskuba u dabbaal-degayow waa deyn dabbaal-deggaasi iyo sharaftaas, tii macallimiintu kusoo gelisay iyo ta laguugu riyaaqayaaba, hadyadna ma ahee hawl baa lagaa rabaa inaad qabato.”

Madaxweynuhu waxa uu guul ku tilmaamay siyaasadda xukuumaddu hormuudka ka tahay ee salka ku haysa in jaamacadaha iyo dugsiyada laga furo oo laga hirgeliyo deegaanka kasta oo Somaliland ah, si uu Arday weliba deegaankiisa uga helo fursad uu ku heli karo heer kasta oo waxbarasho, “Waxan wasaaradda Tacliint,gobollada, mutacallimiinta, qurbejoogga iyo qarankaba ku raacsanahay inay qaateen siyaasadda ah inay tacliintu dadka ugu tagto guryahooda iyo deegaamadooda, siyaasaddaasina waa mid caafimaad qabta oo lagu horumaray, halkii ardayga iyo dadkuba ka doonanayeen tacliinta oo meel fog joogta oo laga yaabo dadka badankiisu inaanay gaadheenba, waana siyaasad dalku ku horumaray, Arday badanina wax ku barteen,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Ugu dambayntii waxa uu madaxweynuhu shahadooyin guddoonsiiyey tiro kamid ah Ardayda qalin-jebisay, gaar ahaan kuwii ugu derejada sarreeyey, kuwaas oo ay wejiyadooda ka muuqatay sida ay ugu faraxsan yihiin in madaxweynuhu kala qaybgalay maalmaha farxaddooda.

Wa-bilaahi tawfiiq

Ahmed Mohamud

Share
Published by
Ahmed Mohamud

Recent Posts

Dalka Jabuuti oo Tijaabiyey Dayax-gacmeedkii u horeeyey

Dalka Jabuuti ayaa hawada sare u dirtay Dayax-gacmeedkeedii ugu horeeyay ee uu dalkaasi yeesho, kaas…

6 months ago

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka Hadlay Mawqifkooda Dagaalka Gaza

Madaxweynaha Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Riyaad ee Boqortooyada Sucuudiga kaga qeyb-galay kulan…

6 months ago

Itoobiya oo Mar kale Caddaysay sida ay u Doonayso inay Bad ku hesho

Xukuumadda Itoobiya ayaa sheegtay in qorshaha ay dawlad ahaan ku doonayaan inay heleen meel ay…

6 months ago

Ajandaha Golaha Guurtida iyo qodobada xaasaasi ah ee ku jira

Ajandaha kal-fadhiga 83aad ee Golaha Guurtida Somaliland oo ka kooban 12 qodob, ayaa waxa ku…

6 months ago

Madaxweynaha Somaliland oo ka Qaybgalay 30-Guurada Kasoo Wareegtay Aas-Aaskii Ciidanka Booliska.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qayb-galay munaasibad ballaadhan oo loogu dabbaaldegayo…

6 months ago

Somaliland oo maanta Xukun Dil ah ku Fulisay Shan Nin oo lagu helay dambiyo ah inay hore dilal uga gaysteen gudaha dalka

Dawladda Somaliland ayaa subaxnimadii hore ee maanta xukun dil ah ku fulisay shan nin oo…

6 months ago