Madaxwayne Trump oo ku adkaysanaya inuu buuxin doono jagada garsoorihii geeryootay xilli ay meel xaasaasi ah marayso doorashada madaxwaynenimada Maraykanku.

Afartii sannoba mar xilligan oo kale iyo bisha October, dadka falanqeeya siyaasadda Maraykanku waxay si wayn u qaadaa dhigaan dhacdooyinka waawayn ee saamaynta ku yeelan kara doorashada Maraykanka.

Sannadkii 2016-kii, doorashadii madaxwaynenimada, waxaa si wayn loo hadal hayay cajaladdii Hollywood ee uu madaxwaynaha imika Trump oo murashax ahaa dumarka wax kaga sheegay, iyo go’aankii FBI-da Maraykanku ku sheegtay inay dib u furayso Email-lladii Hillary Clinton.

Sannadkan bil uun ka hor doorashada Maraykanka, waxaa si wayn loo hadal hayaa geeridii ku timi Ruth Bader Ginsburg oo ahayd gabadhii labaad ee abid kasoo shaqaysa maxkamadda sare ee dalka Maraykanka.

Caadi ahaan, garsooreyaasha maxkamadda sare ee Maraykanka, waxaa soo magacaaba Madaxwaynaha, waxaana ansixiya aqalka sanadka, qaar kamid ah xubnaha xisbiga Jamhuuriga ee uu kasoo jeedo madaxwayne Trump, ayaa dabada ka riixaya qorshaha ah in madaxwaynuhu magacaabo ciddii buuxin lahayd kursigii ay ka geeryootay gorsoorahaasi kahor 3-da bisha November oo ay qabsoomayso doorashada Maraykanku.

Qaar kale oo xisbiga Dimuquraadiga ah ayaa sheegaya inaan la buuxin illaa madaxwayne cusub lasoo dooranayo, kuwaas oo rajaynaya in Joe Biden uu guulaysan doono.

Madaxwayne Trump waxaa uu sheegay inuu magacaabi doono qofkii buuxin lahaa jagadeeda, qaar kamid ah saxaafadda Maraykanka ayaa weriyay in madaxwayne Trump uu rabo inuu gabadh kale magacaabo, iyadoo si wayn loo saadaalinayo Barbera Lagao oo ah garsoore heer federaal fadhigeeduna yahay   Florida ah.

Gabadha sida wayn loo saadaalinayo ee Lagao oo kasoo jeeda jasiiradda Cuba ayuu madaxwayne Trump si wayn u amaanay, iyadoo gobolkeeda Florida-na uu aad muhiim ugu yahay doorashada.

Xisbiga Dimuquraadiga ayaa si wayn uga biyo diiddan magacaabis uu xilligan sameeyo Trump, taasi oo haddii uu yeelo madaxwaynuhuna ka dhigaysa magacaabistii saddexaad ee uu sameeyo.

Ahmed Mohamud

Share
Published by
Ahmed Mohamud

Recent Posts

Dalka Jabuuti oo Tijaabiyey Dayax-gacmeedkii u horeeyey

Dalka Jabuuti ayaa hawada sare u dirtay Dayax-gacmeedkeedii ugu horeeyay ee uu dalkaasi yeesho, kaas…

6 months ago

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka Hadlay Mawqifkooda Dagaalka Gaza

Madaxweynaha Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Riyaad ee Boqortooyada Sucuudiga kaga qeyb-galay kulan…

6 months ago

Itoobiya oo Mar kale Caddaysay sida ay u Doonayso inay Bad ku hesho

Xukuumadda Itoobiya ayaa sheegtay in qorshaha ay dawlad ahaan ku doonayaan inay heleen meel ay…

6 months ago

Ajandaha Golaha Guurtida iyo qodobada xaasaasi ah ee ku jira

Ajandaha kal-fadhiga 83aad ee Golaha Guurtida Somaliland oo ka kooban 12 qodob, ayaa waxa ku…

6 months ago

Madaxweynaha Somaliland oo ka Qaybgalay 30-Guurada Kasoo Wareegtay Aas-Aaskii Ciidanka Booliska.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qayb-galay munaasibad ballaadhan oo loogu dabbaaldegayo…

6 months ago

Somaliland oo maanta Xukun Dil ah ku Fulisay Shan Nin oo lagu helay dambiyo ah inay hore dilal uga gaysteen gudaha dalka

Dawladda Somaliland ayaa subaxnimadii hore ee maanta xukun dil ah ku fulisay shan nin oo…

6 months ago