Madaxwayne Muuse Biixi oo shacabka hambalyo u diray curashada bisha Ramadaan darteed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa guud ahaan shacabka reer Somaliland meel ay joogaanba iyo guud ahaan ummadda Islaamka ku hambalyeeyay curashada bisha barakaysan ee Ramadaan oo caawa curanaysa.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi wuxuu shucuubta Islaamka iyo shacabka reer Somaliland-ba u rajeeyey inuu Eebbe ku sugo khayraadka iyo xasanaadka bishan barakaysani ay xambaarsan tahay, isaga oo u rajeeyey inay wanaag iyo khayr ku gaadhaan bishan bisheeda, Ilaahayna waxa aan ka rajaynayaa inuu inaga dulqaado xanuunadan aduunka safmareenka ku noqday ee saameeyey dunida, ummadda reer Somaliland iyo dalalka Islaamka ahna rabi ha siiyo bash-bash iyo barwaaqo ay ku gaadhaan sanadkan sanadkiisa, illaahayna waxaynu weydiisanaynaa dambi-dhaaf, adduunyo san iyo Aakhiro san inuu inagu simo, wixii dhibaatooyin ahna ummadda ka dul qaado.”

Ugu danbayntii Madaxweynuhu waxa uu ummadda reer Somaliland kula dardaarmay inay ka faa’iidaystaan khayrka bishan, kuna dadaalaan cibaadada islamarkaana ay noqdaan kuwo dhexdooda ay gasho cafis, iyo is-jacayl, isagoo ku adkeeyay inay qaataan amarada guddida heer qaran ee u-diyaar-garawga iyo ka-hor-tagga xanuunka COVID-19 iyo talooyinka caafimaadka. Waxaanu madaxweynuhu rabi uga rajaynayaa shacabka Jamhuuriyada Somaliland inay bishan bisheeda ku gaadhaan bash-bash iyo barwaaqo.

Ahmed Mohamud

Share
Published by
Ahmed Mohamud

Recent Posts

Dalka Jabuuti oo Tijaabiyey Dayax-gacmeedkii u horeeyey

Dalka Jabuuti ayaa hawada sare u dirtay Dayax-gacmeedkeedii ugu horeeyay ee uu dalkaasi yeesho, kaas…

6 months ago

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka Hadlay Mawqifkooda Dagaalka Gaza

Madaxweynaha Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Riyaad ee Boqortooyada Sucuudiga kaga qeyb-galay kulan…

6 months ago

Itoobiya oo Mar kale Caddaysay sida ay u Doonayso inay Bad ku hesho

Xukuumadda Itoobiya ayaa sheegtay in qorshaha ay dawlad ahaan ku doonayaan inay heleen meel ay…

6 months ago

Ajandaha Golaha Guurtida iyo qodobada xaasaasi ah ee ku jira

Ajandaha kal-fadhiga 83aad ee Golaha Guurtida Somaliland oo ka kooban 12 qodob, ayaa waxa ku…

6 months ago

Madaxweynaha Somaliland oo ka Qaybgalay 30-Guurada Kasoo Wareegtay Aas-Aaskii Ciidanka Booliska.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qayb-galay munaasibad ballaadhan oo loogu dabbaaldegayo…

6 months ago

Somaliland oo maanta Xukun Dil ah ku Fulisay Shan Nin oo lagu helay dambiyo ah inay hore dilal uga gaysteen gudaha dalka

Dawladda Somaliland ayaa subaxnimadii hore ee maanta xukun dil ah ku fulisay shan nin oo…

6 months ago