Madaxwayne Farmaajo oo kulan wadajir ah la yeeshay madaxda maamullada iyo labada shir-guddoon ee baarlamaanka Soomaaliya, maxay ka wada hadleen?

Qoraal kasoo baxay madaxtooyada Soomaaliya ee Villa Somalia, ayaa waxaa lagu sheegay in madaxwayne Farmaajo uu kulan wadajir ah la qaatay madaxda dawlad-goboleedyada, Guddoonka labada aqal ee baarlamaanka federaalka iyadoo qoraalka madaxtooyada kasoo baxayna lagu yidhi:
”Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulan wadajir ah la qaatay Madaxda Dowlad-Goboleedyada, Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kala hadlay muhiimadda ay leedahay in la sii ambaqaado qodobbadii ka soo baxay Shirkii Muqdisho ee Wadatashiga Doorashooyinka iyo dhammeystirka Heshiiskii Samareeb 3.
Madaxda ayaa ka arrinsaday sidii ay dalka uga qabsoomi lahayd doorasho wakhtigeeda ku dhacda, kana turjunta hiigsiga iyo horumarka ay ku tallaabsadeen shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed sanadihii la soo dhaafay, si loo xoojiyo xasilloonida, midnimada iyo nabadda dalka.
Kusimaha Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada Mudane Cabdirashiid Maxamed Xaashi ayaa tilmaamay dadaalka Madaxdu ay ku bixinayaan sidii loo sii amba-qaadi lahaa dhammeystirka Heshiiska Doorashooyinka oo hagaya in doorashadu ay wakhtigeeda ku qabsoonto.
“Kulanka ayaa ku qotamay sii ambaqaadidda qodobadii Warmurtiyeedkii 17-kii bishan ay wadajirka u soo saareen Madaxwaynaha JFS, Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir, kaas oo qodobkiisa 11-aad uu qeexayey in Heshiiskan siyaasadeed loo gudbindoono Baarlamaanka Federaalka si ay u meel mariyaan.”
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo qaadanaya doorka kaga aaddan midnimada iyo ilaalinta wadajirka Shacabka Soomaaliyeed ayaa kula dardaarmay Guddoonka Baarlamaaka in ay sii ambaqaadaan qodobbadii ka soobaxay Shirkii Muqdisho, kana gutaan waajibaadka Dastuuriga ah ee ka saran dhaqan-gelinta qodobbadii ka soo baxay”
Wararkii ugu dambeeyay kala soco Saab TV, waa meesha kuugu dhow ee aad ka heli karto warar xaqiiqada ku sal leh.
Ahmed Mohamud

Share
Published by
Ahmed Mohamud

Recent Posts

Dalka Jabuuti oo Tijaabiyey Dayax-gacmeedkii u horeeyey

Dalka Jabuuti ayaa hawada sare u dirtay Dayax-gacmeedkeedii ugu horeeyay ee uu dalkaasi yeesho, kaas…

6 months ago

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka Hadlay Mawqifkooda Dagaalka Gaza

Madaxweynaha Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Riyaad ee Boqortooyada Sucuudiga kaga qeyb-galay kulan…

6 months ago

Itoobiya oo Mar kale Caddaysay sida ay u Doonayso inay Bad ku hesho

Xukuumadda Itoobiya ayaa sheegtay in qorshaha ay dawlad ahaan ku doonayaan inay heleen meel ay…

6 months ago

Ajandaha Golaha Guurtida iyo qodobada xaasaasi ah ee ku jira

Ajandaha kal-fadhiga 83aad ee Golaha Guurtida Somaliland oo ka kooban 12 qodob, ayaa waxa ku…

6 months ago

Madaxweynaha Somaliland oo ka Qaybgalay 30-Guurada Kasoo Wareegtay Aas-Aaskii Ciidanka Booliska.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qayb-galay munaasibad ballaadhan oo loogu dabbaaldegayo…

6 months ago

Somaliland oo maanta Xukun Dil ah ku Fulisay Shan Nin oo lagu helay dambiyo ah inay hore dilal uga gaysteen gudaha dalka

Dawladda Somaliland ayaa subaxnimadii hore ee maanta xukun dil ah ku fulisay shan nin oo…

6 months ago