Madaxwayne Biixi Oo U Mahadceliyay guddida doorashooyinka, isagoo ka hadlay doorashada guddoonka golaha wakiillada iyo Maayarada dalka.

Kulankan uu madaxwayne Biixi la yeeshay guddida doorashada Somaliland, ayaa lagu baahiyay baraha bulshada ee madaxtooyada Somaliland, iyadoo lagu yidhi sida tan:
”Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kulan mahadnaq ah la qaatay Toddobada xubnood ee guddida Doorashooyinka qaranka oo dalka ka hirgeliyey doorasho hufan oo si weyn kor ugu qaadday sumcadda iyo Dimuqraaddiyadda dalka.
Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi wuxuu ugu horrayn xubnaha Komishanka doorashooyinka ugaga mahadnaqay doorashadii milgaha lahayd ee ay dalka ka hirgeliyeen, xilkasnimadii iyo dhabar-adaygii ay sameeyeen, waxana uu yidhi,“Anigoo ku hadlaya Afka qaranka, waxan idiinku yeedhay in dhammaan umadda reer Somaliland ay idiinka mahadnaqayso sidii wanaagsanayd ee aad doorashada u maamusheen, waxannu idiinka mahadnaqaynaa dhibaatadii, soo jeedkii culayskii aad u dhabar-adaygteen iyo garsoorkii aad samayseen iyo dadkii baratamayey kii soo baxay iyo kii aan tiradiisu intii lagu soo baxayey gaadhinba ay raallida ka ahaayeen iyo sidaad u shaqayseen, idinkana qarankiinnu waa abaal iyo mudnaan uu idiin ogyahay, waxana muujiseen xilkasnimo, Aaminaad iyo hawlkarnimo.”
Hay’adaha kale ee kaalinta masuuliyadda leh ka ciyaaray doorashooyinkii dhawaan qabsoomay ee goleyaasha wakiillada iyo deegaanka, ayuu madaxweynuhu si weyn u ammaanay, isaga oo si gaar ah carrabka ugu dhuftay warbaahinta qaranka iyo midda madaxa bannaanba, “Waxa kale oo aan u mahadnaqayaa intii ka qaybqaadatay si toos ah iyo si dadbanba, oo ay kow ka tahay xukuumadda qaybta qaabilsan amniga iyo qaybta qaabilsan dhaqaalaha, labadaas hay’adoodna waxay xoog dedaal u geliyeen inay doorashadaasi hirgasho. Waxa lamid ahaa wasaaradda wacyigelinta qaabilsan iyo warbaahinta madaxa bannaan ee qaranka oo u shaqeeyey si waddaninnimo ah, iyo weliba muwaadiniintii baraha bulshada isticmaalayey oo ka midaysnaa qabsoomida doorasho ku dhacda nabadgelyo” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu si gaar ah ugu mahadnaqay shaqaalihii iyo hawlwadeennadii ka shaqeeyey doorashooyinkii qabsoomay, isaga oo caddeeyey inay si qiime leh uga soo baxeen masuuliyaddii la saaray ee heer qaran ahayd, muhiimaddeedana lahayd, isaga oo sidoo kale axsaabta qaranka, gaar ahaan kuwa mucaaradka ahna ku bogaadiyey kaalintooda.
Shacabka reer Somaliland, ayuu madaxweynuhu ugaga mahadnaqay sida nabadgelyada leh ee ay doorashada uga qaybqaateen, isaga oo sidoo kalena Beesha caalamka iyo cidkasta oo doorashadaas si uun gacan uga geysatayna bogaadiyey.
Dhinaca kale, madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu shacabka u diray farriin ku saabsan doorashooyinka shir-guddoonka golaha wakiillada, Maayarrada iyo ku-xigeennada degmooyinka dalka, waxana uu ugu bushaareeyey inay ka go’an tahay madaxweyne ahaan in dhammaan hawlahaasi si milgo leh oo bilaa cunfi ah kusoo dhammaan doonaan, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Shacabka waxan ugu bushaaraynayaa sidaan ku talo-galay doorashooyinka hadhay ee maayarrada, ku-xigeennadooda iyo xubnaha loo dooran doono shir-guddoonka wakiilladdu inay Ilaahay idamkii ku dhammaan doonaan nabaddaas nabaddeeda iyo sharaftaas iyo walaal qaado iyo adigu qaado, taasaanan ka shaqaynayaa inaynu helno, xisbiyadana taasaan usoo jeedinayaa.”
SAAB TV, isha xogta laga helo.
Ahmed Mohamud

Share
Published by
Ahmed Mohamud

Recent Posts

Dalka Jabuuti oo Tijaabiyey Dayax-gacmeedkii u horeeyey

Dalka Jabuuti ayaa hawada sare u dirtay Dayax-gacmeedkeedii ugu horeeyay ee uu dalkaasi yeesho, kaas…

6 months ago

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka Hadlay Mawqifkooda Dagaalka Gaza

Madaxweynaha Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Riyaad ee Boqortooyada Sucuudiga kaga qeyb-galay kulan…

6 months ago

Itoobiya oo Mar kale Caddaysay sida ay u Doonayso inay Bad ku hesho

Xukuumadda Itoobiya ayaa sheegtay in qorshaha ay dawlad ahaan ku doonayaan inay heleen meel ay…

6 months ago

Ajandaha Golaha Guurtida iyo qodobada xaasaasi ah ee ku jira

Ajandaha kal-fadhiga 83aad ee Golaha Guurtida Somaliland oo ka kooban 12 qodob, ayaa waxa ku…

6 months ago

Madaxweynaha Somaliland oo ka Qaybgalay 30-Guurada Kasoo Wareegtay Aas-Aaskii Ciidanka Booliska.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qayb-galay munaasibad ballaadhan oo loogu dabbaaldegayo…

6 months ago

Somaliland oo maanta Xukun Dil ah ku Fulisay Shan Nin oo lagu helay dambiyo ah inay hore dilal uga gaysteen gudaha dalka

Dawladda Somaliland ayaa subaxnimadii hore ee maanta xukun dil ah ku fulisay shan nin oo…

6 months ago