Madaxwayne Biixi ayaa Maraykanka udiray dhambaal hambalyo ah oo la xidhiidha markii ay madax-bannaanida qaateen.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Waxa Uu Dal-weynaha Maraykanka Iyo Shacabkiisa Ku Hambalyeynayaa Sannad Guurada Ka Soo Wareegtay Markii Ay Madax-bannaanida Qaateen.

Qoraal kasoo baxay madaxtooyada Somaliland ayaa lagu yidhi sida tan:

”Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaaya magaciisa iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal hambalyo ah u dirayaa dal-weynaha Maraykanka oo ay ku beegan tahay Xuska sannad guurada 244-aad ee ka soo wareegtay markii uu dalkaasi xorriyaddiisa ka qaatay Boqortooyadii Ingiriiska 04-July-1776-kii.

Waxaanu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi shacabka iyo Dal-weynaha Maraykanka ku bogaadiyey xuska sannad-guurada xorriyadooda oo ay u dabaaldegayaan maanta oo ay ku beegan tahay, waxaana xusid mudan in markii ay Jamhuuriyadda Somaliland xoriyadeeda ka qaadatay boqortooyadii Ingiriiska 26-June 1960-kii uu gudoomiyihii hore ee Gobolka Massachusetts, Mr. Cristian Archibald Herter oo markii danbena noqday xoghayihii arrimaha dibeda ee dal-weynaha maraykanku uu dawladda Somaliland iyo shacbigeeda ku soo hambalyeeyey xornimadii ay ka qaateen boqortooda Ingiriiska oo ay labada dal ka xoroobeen wakhtiyo kala duwan, sidaa awgeed dawladda iyo shacbiga Somaliland waa kuwo xasuusan marwalba dalalka ay wadaageen halgan iyo taariikho isu eeg.

Madaxweynuhu waxa uu mar labaad iyo mar saddexaadba ku hambalyaynayaa shacbiga iyo dal-weynaha Maraykanka xornimada iyo horumarka 244-tan jirsaday ee ay u dabaal-degayaan, waxanu u rajeynaya inay sanadkan kiisa ku gaadhaan wadajir iyo horumar.”

Wararkii ugu dambeeyay kala soco Saab TV, waa meesha kuugu dhow ee aad ka heli karto warar xaqiiqada ku sal leh.

Ahmed Mohamud

Share
Published by
Ahmed Mohamud

Recent Posts

Dalka Jabuuti oo Tijaabiyey Dayax-gacmeedkii u horeeyey

Dalka Jabuuti ayaa hawada sare u dirtay Dayax-gacmeedkeedii ugu horeeyay ee uu dalkaasi yeesho, kaas…

6 months ago

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka Hadlay Mawqifkooda Dagaalka Gaza

Madaxweynaha Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Riyaad ee Boqortooyada Sucuudiga kaga qeyb-galay kulan…

6 months ago

Itoobiya oo Mar kale Caddaysay sida ay u Doonayso inay Bad ku hesho

Xukuumadda Itoobiya ayaa sheegtay in qorshaha ay dawlad ahaan ku doonayaan inay heleen meel ay…

6 months ago

Ajandaha Golaha Guurtida iyo qodobada xaasaasi ah ee ku jira

Ajandaha kal-fadhiga 83aad ee Golaha Guurtida Somaliland oo ka kooban 12 qodob, ayaa waxa ku…

6 months ago

Madaxweynaha Somaliland oo ka Qaybgalay 30-Guurada Kasoo Wareegtay Aas-Aaskii Ciidanka Booliska.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qayb-galay munaasibad ballaadhan oo loogu dabbaaldegayo…

6 months ago

Somaliland oo maanta Xukun Dil ah ku Fulisay Shan Nin oo lagu helay dambiyo ah inay hore dilal uga gaysteen gudaha dalka

Dawladda Somaliland ayaa subaxnimadii hore ee maanta xukun dil ah ku fulisay shan nin oo…

6 months ago