Wararka Saab TV kasoo gaadhay magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, ayaa sheegaya in madaxwaynaha dalkaasi Uhuru Khenyatta uu muddo 30 maalmood ah ku daray bandowgii lagula dagaallamayay fidista xanuunka Coronavirus ee dalkaasi.
Madaxwayne Kenyatta waxaa uu sheegay, in cudurku ka yaraaday magaalooyinka balse uu haddeer ku fidayo dhulka miyiga iyo tuulooyinka ah.
Khudbadda Mr. Uhuru, oo laga baahiyay telefishanka, ayaa waxaa uu amray in muddo bil ah la xidho goobaha baararka iyo Nightclub-yada lagu caweeyo iyadoo kiisaska xanuunka Coronavirus ee dalkaasina ay kor u dhaafeen in ka badan 30,000 halka ay u geeryoodeen tiro ka badan 500 oo qof.
Wararkii ugu dambeeyay kala soco Saab TV.
Dalka Jabuuti ayaa hawada sare u dirtay Dayax-gacmeedkeedii ugu horeeyay ee uu dalkaasi yeesho, kaas…
Madaxweynaha Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Riyaad ee Boqortooyada Sucuudiga kaga qeyb-galay kulan…
Xukuumadda Itoobiya ayaa sheegtay in qorshaha ay dawlad ahaan ku doonayaan inay heleen meel ay…
Ajandaha kal-fadhiga 83aad ee Golaha Guurtida Somaliland oo ka kooban 12 qodob, ayaa waxa ku…
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qayb-galay munaasibad ballaadhan oo loogu dabbaaldegayo…
Dawladda Somaliland ayaa subaxnimadii hore ee maanta xukun dil ah ku fulisay shan nin oo…