Daraasad Cusub oo Laga Sameeyey Farqiga u Dhexeeya Mushaharka Raga iyo Dumarka.

Daraasad Cusub oo La Sameeyay ayaa Lagu Sheegay in Sinnaanta Mushaharka Shaqaale-nimo ee Ragga iyo Dumarku ay aad u Kal Sareeyaan.

Khidmadda Mushaharka Raga La Siiyo ayaa dhab ahaantii ka badan 49 senti oo doollar Ta Haweenka La Siiyo, sida laga soo xigtay Daraasadda ay Todobaadkan soo saartay Machadka Daraasaadka Siyaasadda Dakhlig oo falanqeeyay dakhliga wadarta guud ee 15-kii sano ee ugu Danbeeyay.

Sida xogta tirakoobka ee sawirka Lagu Xusay, Farqiga waa mid aad u ballaadhan sababtoo ah daraasadda xogta soo Bandhigtay waxaa ka mid ah qof kasta oo Haweenka Kamida oo Shaqeeyay xitaa hal sano in Mushaharkeedu 49 senti uu Ka Yaryahay Mushaharka ay Ragu Qaataan.

Khubaradda Daraasaddan Sameeyay ayaa Sidoo Kale Sheegay in Qiyaastii 43 boqolkiiba haweenka shaqaalaha ka ah Dunidda ee ay la kulmeen ugu yaraan hal sano aanay wax dakhli ah Helin.

Cilmi baadhayaashu waxay sheegeen in lacagta la siiyo qoysaska iyo sidoo kale daryeelka caruurta ay noqon karaan dadaallo siyaasadeed oo dhiirigelin kara haweenka si ay uga qayb qaataan xoogaga shaqaalaha Caalamka.

“Haweenku waxay arkeen horumar aad u ballaadhan Sanadihii ugu Danbeeyay, iyagoo galaya heerarka sare ee Shaqaalaha, taas ayaana horseeday dakhliga dheeraadka ah iyo farqiga mushaharaadka Raga iyo Dumarka ee Kala hooseeya, “ayuu yidhi Stephen J. Rose, oo ah Cilmibaadhe Ka Tirsan Xarunta Siyaasadda Dakhliga iyo Faa’iidooyinka.

Afhayeenka Xarunta Daraasadan Samaysay ayaa Sidoo kale Sheegay in aanay Xogtan ku jirin jaangooyin ku saabsan jinsiyadda. inkasta oo ay sheegtay in qorayaasha daraasaddu ay ka shaqeynayaan in ay ballaadhiyaan daraasadda.

Tirakoobka ayaa muujinaya in haweenka madow nasiib darrada ugu weyn ay Kala Kulmaan Ragga Cad ee ay Wadaagaan Shaqooyinka, Halkan dumarka cadaanka ahna ay Dhibaatadda ugu Wayn Kala Kulmaan Meelaha Laga Tiradda Badan yahay.

saabtv

Share
Published by
saabtv

Recent Posts

Dalka Jabuuti oo Tijaabiyey Dayax-gacmeedkii u horeeyey

Dalka Jabuuti ayaa hawada sare u dirtay Dayax-gacmeedkeedii ugu horeeyay ee uu dalkaasi yeesho, kaas…

6 months ago

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka Hadlay Mawqifkooda Dagaalka Gaza

Madaxweynaha Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Riyaad ee Boqortooyada Sucuudiga kaga qeyb-galay kulan…

6 months ago

Itoobiya oo Mar kale Caddaysay sida ay u Doonayso inay Bad ku hesho

Xukuumadda Itoobiya ayaa sheegtay in qorshaha ay dawlad ahaan ku doonayaan inay heleen meel ay…

6 months ago

Ajandaha Golaha Guurtida iyo qodobada xaasaasi ah ee ku jira

Ajandaha kal-fadhiga 83aad ee Golaha Guurtida Somaliland oo ka kooban 12 qodob, ayaa waxa ku…

6 months ago

Madaxweynaha Somaliland oo ka Qaybgalay 30-Guurada Kasoo Wareegtay Aas-Aaskii Ciidanka Booliska.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qayb-galay munaasibad ballaadhan oo loogu dabbaaldegayo…

6 months ago

Somaliland oo maanta Xukun Dil ah ku Fulisay Shan Nin oo lagu helay dambiyo ah inay hore dilal uga gaysteen gudaha dalka

Dawladda Somaliland ayaa subaxnimadii hore ee maanta xukun dil ah ku fulisay shan nin oo…

6 months ago