Waa kuma ninkii madaxwayne Farmaajo ku khasbay inuu iscasilo ee maanta geeryooday?

Danjire Augustine Mahiga  oo ahaa  siyaasi, diblumaasi ahaana ergaygii Qaramada  Midoobay ee Soomaaliya 2010 illaa 2013, haddana  ahaa wasiirka cadaaladda iyo arrimaha dastuurka ee Tanzania,  ayaa isaga oo da’diisu ahayd 74 jir ku geeriyooday magaalada  caasimada ah ee Dodoma.

Sida  lagu  sheegay war murtiyeed  uu ku saxeexanyay Madaxweynaha Tanzania John Mogufuli, Mahiga  waxa uu ku dhintay cisbitaalka, iyada oo xanuun haleelay subaxnimadii Jimcihii isaga oo gurigiisa ku sugnaa.

Augustine Philip Mahiga ayaa dhashay,  August 28, 1945, waxa  uu ka  qalinjabiyay jaamacadda  University of East Africa ee magaalada Dar es Salaam in 1971, waxaana  shaahadada koowaad ee Bachelor qaatay isagoo bartay waxbarashada, shahaahada labaad waxa  uu ku dhamaystay  jaamacada   University of Toronto  ee dalka Canada, shaahadada PhD ee  xidhiidhka caalamiga ah, waxaa  uu ka qaatay isla  jaamacadda University of Toronto 1975.

Markii uu ku soo laabtay Tansaaniya, waxaa  uu macallin ka noqday jaamacadda Daarasalaam,  ka hor intii  aanu xafiiska rasmiga  ee Tansaaniya  ee magaalada Geneva 1993, ka dib, waxa  ay  dawladda  Tansaaniya  u dalacsiisay Danjire , waxa   uu hay’adda  qaxoontiga Qarmada  Midoobay UNHCR , kala  shaqeeyay wadamada Liberia, Hindiya iyo Malta. Ka hortii aanu bedelin  Axmeduu Weled Cabdalla , isaga  oo noqday madaxii xafiiskii siyaasada  Qarmada Midoobay ee Soomaaliya  ( UNPOS)

Gudaha Soomaaliya   waxa aad loogu xusuustaa heshiiskii Kampala  Accord,  oo ku khasbay Maxamed Cabdilaahi Farmaajo oo ahaa  Ra’iisalwasaaraha dawladdii Shariif  Sheekh Axmed in uu iscasilo .

Ahmed Mohamud

Share
Published by
Ahmed Mohamud

Recent Posts

Dalka Jabuuti oo Tijaabiyey Dayax-gacmeedkii u horeeyey

Dalka Jabuuti ayaa hawada sare u dirtay Dayax-gacmeedkeedii ugu horeeyay ee uu dalkaasi yeesho, kaas…

6 months ago

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka Hadlay Mawqifkooda Dagaalka Gaza

Madaxweynaha Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Riyaad ee Boqortooyada Sucuudiga kaga qeyb-galay kulan…

6 months ago

Itoobiya oo Mar kale Caddaysay sida ay u Doonayso inay Bad ku hesho

Xukuumadda Itoobiya ayaa sheegtay in qorshaha ay dawlad ahaan ku doonayaan inay heleen meel ay…

6 months ago

Ajandaha Golaha Guurtida iyo qodobada xaasaasi ah ee ku jira

Ajandaha kal-fadhiga 83aad ee Golaha Guurtida Somaliland oo ka kooban 12 qodob, ayaa waxa ku…

6 months ago

Madaxweynaha Somaliland oo ka Qaybgalay 30-Guurada Kasoo Wareegtay Aas-Aaskii Ciidanka Booliska.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qayb-galay munaasibad ballaadhan oo loogu dabbaaldegayo…

6 months ago

Somaliland oo maanta Xukun Dil ah ku Fulisay Shan Nin oo lagu helay dambiyo ah inay hore dilal uga gaysteen gudaha dalka

Dawladda Somaliland ayaa subaxnimadii hore ee maanta xukun dil ah ku fulisay shan nin oo…

6 months ago