Boqoradda Ingriiska oo sheegtay in laga adkaan doono Coronavirus

 

Khudbad dhif iyo naadir ah ayay boqoradda Ingriisku jeedisay, ayay uga mahadcelisay dadka sida ay u joogeen guryaha una qaateen amarka kasoo baxay dawladda.

Boqoradda Ingriiska Elizabeth ta labaad, ayaa sidoo kale si wayn ugu mahadcelisay shaqaalaha caafimaadka ee dalka UK iyo wasaaradda caafimaadka ee NHS, xilli dadka u dhimanaya cudurka Coronavirus ay Ingriiska ku dhowdahay 5,000 oo qof.

‘’Waxaan doonayaa inaan u mahadceliyo qof walba oo kamid ah NHS-ta oo ku sugan jiidda hore iyo sidoo kale shaqaalaha daryeelka iyo kuwa samaynaya doorarka lagama maarmaanka ah, kuwaas danta guud ka hormarinaya dantooda gaarka maalinba maalinta ka dambaysa shaqooyinkooda wada iyagoo guryahooda dibadda ka jooga si ay inoo taageeraan kulligeen’’

Boqoradda Ingriisku waxay sheegtay in qaranku u ogsoon yahay dadka u shaqaynaya aadna mabsuud uga yihiin shaqada ay wadaan, taasoo shaqada adag ee ay wadaan saacad kasta ay kusoo dhawaynayso xaaladda sidii caadiga ahayd.

 Queen Elizabeth waxaa ay sheegtay in  wadajir wax looga qaban karo xanuunkan, iyadoo xustay haddii ay dadku midnimadooda ku sugnaadaan go’aankoodana sugaan ay ka adkaan karaan cudurka.

Boqoradda Ingriiska Queen Elizabeth the second ayaa waxaa kale oo ay sheegtay in sheekooyin wanaagsani ka imanayaan dalalka barwaaqo sooranka iyo dunida, iyadoo dalalkii iyo dadyowgii duniduna is caawinaya.

Boqoradda, ayaa xustay in saamaynta cudurka Coronavirus uu xasuusiyay baahintii ugu horraysay ee ay samayso taasoo ahayd sannadkii 1940 isla qasriga Windsor ee ay kala hadlaysay shacabka xalay xilligaasi oo uu socday dagaalkii labaad ee adduunyadu.

Queen Elizabeth oo ay da’deedu tahay 93 jir, ayaa khudbaddeeda ku sheegtay in UK ka adkaan doonto Coronavirus iyadoo kusoo gabagabaysay in maalmihii wacnaa ay soo noqon doonaan.

‘’Waxaynu la joogi doonnaa saaxiibadeen, waxaynu la joogi doonnaa qoysaskeena, dib baynu u kulmi doonnaa’’ ayay tidhi boqoraddu.

 

Ahmed Mohamud

Share
Published by
Ahmed Mohamud

Recent Posts

Dalka Jabuuti oo Tijaabiyey Dayax-gacmeedkii u horeeyey

Dalka Jabuuti ayaa hawada sare u dirtay Dayax-gacmeedkeedii ugu horeeyay ee uu dalkaasi yeesho, kaas…

6 months ago

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka Hadlay Mawqifkooda Dagaalka Gaza

Madaxweynaha Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Riyaad ee Boqortooyada Sucuudiga kaga qeyb-galay kulan…

6 months ago

Itoobiya oo Mar kale Caddaysay sida ay u Doonayso inay Bad ku hesho

Xukuumadda Itoobiya ayaa sheegtay in qorshaha ay dawlad ahaan ku doonayaan inay heleen meel ay…

6 months ago

Ajandaha Golaha Guurtida iyo qodobada xaasaasi ah ee ku jira

Ajandaha kal-fadhiga 83aad ee Golaha Guurtida Somaliland oo ka kooban 12 qodob, ayaa waxa ku…

6 months ago

Madaxweynaha Somaliland oo ka Qaybgalay 30-Guurada Kasoo Wareegtay Aas-Aaskii Ciidanka Booliska.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qayb-galay munaasibad ballaadhan oo loogu dabbaaldegayo…

6 months ago

Somaliland oo maanta Xukun Dil ah ku Fulisay Shan Nin oo lagu helay dambiyo ah inay hore dilal uga gaysteen gudaha dalka

Dawladda Somaliland ayaa subaxnimadii hore ee maanta xukun dil ah ku fulisay shan nin oo…

6 months ago