Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Ka Shiraya Wax-ka Badal Lagu Samaynayo Dastuurka Soomaaliya

Mudanayasha labada   aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya   ayaa maanta fadhi wada jira ku meel marinaya  dib u eegista Dastuurka.

Mudanayaasha ayaa wadajir uga dooday  ansixinta iyo meel marinta habraaca dib u eegista  Dastuurka, waxaana ku sugan Golaha oo Warbixin laga dhageysanayaa Guddoomiyaha Guddiga la  socodka Dib u eegista Dastuurka ee Labada Aqal Cabdi Qeybdiid.

Waxaa fadhiga ku sugan oo soo xaadiray 186 Xildhibaan, waxaa shir guddoominaya oo ku sugan Guddoonka Labada Aqal oo aan kala maqneyn.

Guddiga la socodka dib u eegista Dastuurka ayaa labadii sano ee la  soo dhaafay waxaa uu ku mashquulsanaa dib u eegista 11 cutub oo ka mid  ah 15 cutub oo uu ka kooban yahay Dastuurka.

Fadhigooda maanta ayaa la filayaa in ay ku meel mariyaan Xildhibaannada Labada Aqal Habraaca  dib u eegista Dastuurka.

saabtv

Share
Published by
saabtv

Recent Posts

Dalka Jabuuti oo Tijaabiyey Dayax-gacmeedkii u horeeyey

Dalka Jabuuti ayaa hawada sare u dirtay Dayax-gacmeedkeedii ugu horeeyay ee uu dalkaasi yeesho, kaas…

5 months ago

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka Hadlay Mawqifkooda Dagaalka Gaza

Madaxweynaha Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Riyaad ee Boqortooyada Sucuudiga kaga qeyb-galay kulan…

5 months ago

Itoobiya oo Mar kale Caddaysay sida ay u Doonayso inay Bad ku hesho

Xukuumadda Itoobiya ayaa sheegtay in qorshaha ay dawlad ahaan ku doonayaan inay heleen meel ay…

6 months ago

Ajandaha Golaha Guurtida iyo qodobada xaasaasi ah ee ku jira

Ajandaha kal-fadhiga 83aad ee Golaha Guurtida Somaliland oo ka kooban 12 qodob, ayaa waxa ku…

6 months ago

Madaxweynaha Somaliland oo ka Qaybgalay 30-Guurada Kasoo Wareegtay Aas-Aaskii Ciidanka Booliska.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qayb-galay munaasibad ballaadhan oo loogu dabbaaldegayo…

6 months ago

Somaliland oo maanta Xukun Dil ah ku Fulisay Shan Nin oo lagu helay dambiyo ah inay hore dilal uga gaysteen gudaha dalka

Dawladda Somaliland ayaa subaxnimadii hore ee maanta xukun dil ah ku fulisay shan nin oo…

6 months ago