12-Ruux oo Ku Dhintay Toogasho Wadareed Ka Dhacday Xeebta Gobolka Virginia ee Dalka Maraykenka.

Ugu yaraan 12 qof ayaa lagu dilay halka dad intaa ka badanna lagu dhaawacay toogasho wadareed habeenimadii jimcaha ka dhacday xeebta koonfureed ee gobolka virginia ee dalka maraykanka.

Nin ku hubaysnaa qori ayaa rasaas ooda kaga qaaday dhismaha gole deegaan, iyadoo la maqlayay qayladda iyo sawaxanka isku darsamay ee shaqaalaha iyo dadkii kale ee aaga ku sugnaa.

Booliska oo goobta soo gaadhay ayaa toogasho ku dilay ninka weerarka gaystay.

Nin hawl-gab ahaa oo hore uga shaqayn jiray dawladda hoose ee magaalada virginia beach ayaa gudaha usoo galay xarunta golaha deegaanka, isagoona si aan kala sooc lahayn rasaas ugu furay dhamaan dhibanayaasha oo ku sugnaa gudaha dhismaha, sida uu madaxa booliska ee magaaladu u sheegay wartabiyayaasha. Ninka oo wali la baadhayo, ayaa sitay rasaas tiro badan, isagoo qorigana kusoo rakibay qalab aan sanqadh badan bixinaynin, sida uu mar kale xusay madaxa bolisku.

Dad ka badbaaday weerarka ayaa warbaahinta u sheegay in shaqaaluhu ay ku guda jireen shaqada maalinlaha ah, xiliga uu ninku rasaasta ku furay.

Wali lama oga sababta ninkan ku kalliftay in uu weerarka noocan oo kale ah ka gaysto xarun uu kasoo shaqeeyay.

Toogasho Wadareedyada ayaa noqotay cabsi joogta ah oo ay qabaan dadka ku dhaqan gudaha Dalka maraykanka.

Iyadoo sanadkan 2019 oo kaliya, toogashooyinka lagu qiyaasay ilaa 150 toogasho oo ka dhacday gobolo kala duwan oo dalka Maraykenka ah.

Hubka ayaa meel walba laga heli karaa gudaha maraykanka, iyadoo hubka gacanta shacabka ku jiraana aanu tiro lahayn. Taas oo maraykanka ka dhigaysa wadanka ugu badan ee dadkiisu ay hubaysanyihiin.

saabtv

Share
Published by
saabtv

Recent Posts

Dalka Jabuuti oo Tijaabiyey Dayax-gacmeedkii u horeeyey

Dalka Jabuuti ayaa hawada sare u dirtay Dayax-gacmeedkeedii ugu horeeyay ee uu dalkaasi yeesho, kaas…

6 months ago

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka Hadlay Mawqifkooda Dagaalka Gaza

Madaxweynaha Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Riyaad ee Boqortooyada Sucuudiga kaga qeyb-galay kulan…

6 months ago

Itoobiya oo Mar kale Caddaysay sida ay u Doonayso inay Bad ku hesho

Xukuumadda Itoobiya ayaa sheegtay in qorshaha ay dawlad ahaan ku doonayaan inay heleen meel ay…

6 months ago

Ajandaha Golaha Guurtida iyo qodobada xaasaasi ah ee ku jira

Ajandaha kal-fadhiga 83aad ee Golaha Guurtida Somaliland oo ka kooban 12 qodob, ayaa waxa ku…

6 months ago

Madaxweynaha Somaliland oo ka Qaybgalay 30-Guurada Kasoo Wareegtay Aas-Aaskii Ciidanka Booliska.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qayb-galay munaasibad ballaadhan oo loogu dabbaaldegayo…

6 months ago

Somaliland oo maanta Xukun Dil ah ku Fulisay Shan Nin oo lagu helay dambiyo ah inay hore dilal uga gaysteen gudaha dalka

Dawladda Somaliland ayaa subaxnimadii hore ee maanta xukun dil ah ku fulisay shan nin oo…

6 months ago