Kooxada Xuutiyiinta ee ka dagaalanta dalka Yemen ayaa sheegtay in ay dileen boqolaal ka mid ah ciidanka dawladda Sucuudiga, isla markaana ay qafaahseen askra tiro badan, kadib hawlagalo ka dhacay xadka ay wadaagaan wadamada Sucuudiga iyo Yemen.

Afhayeen u hadlay kooxda ayaa xusay in dagaalkani uu ahaa kii ugu waynaa ee ay kooxdu gasho tan iyo intii ay bilaabeen hawlagalada ka dhanka ah Sucuudiga.

Talafishanka ku hadal afka Xuutiyiinta ayaa baahiyay boqolaal askar ah oo uu sheegay in ay yihiin kuwa Sucuudiga, kuwaas oo lagu hayo dooxo ku taala xadka ay wadaagaan labada waddan.

Ma jiro wax war oo kasoo baxay dhanka dawladda Sucuudiga, kaas oo lagu xaqiijinayo jiritaanka warkan.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga