Ciidamada booliska ee dalka Kenya ayaa sheegay in madaxa sirdoonka alShabab ee gobolka Banaadir uu soo galay gudaha wadddanka Kenya, iyagoo shaaciyay sawir ay ku sheegeen in uu yahay sarkaalka ay rabaan.

Ninkan oo lagu magacaabo Cabdiwaaxid Khaliif Cabdi, ayaa la sheegay in uu kasoo duulay magaalada Muqdisho isla markaana uu ka degay garoonka magaalada Nairobi, iyadoo dad badnai ay is waydiinayaan sida ay ugu suurtagashay arintani.

Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ninkan ay hore u xidhay, balse wali lama oga cidda xabsiga kasii daysay.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga