Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa markii ugu horraysay ka warramay sababta ay xukuumadda Somaliland u joojin wayday diyaaradda Ethiopian Airlines oo weli duulimaadyadii caadiga ahaa ku timaadda madaarka  Cigaal International Airport ee magaalada Hargeysa.

Wasiir Kaahin oo arrintaa ka hadlaya ayaa yidhi: Diyaaradda waad ogtihiin oo way soo yaraanayaan dadka ay soo qaaddaa, afar qof bay maanta sidday, maalmaha qaarna maba yimaadaan, waayo waxaanannu la galnay heshiis ah inaanay soo qaadin dalalka uu xanuunkani aadka u saameeyay oo kow Waqooyiga Maraykanka iyo Kanada iyo dalalka Yurub oo dhan.

Wasiir Kaahin ayaa sheegay inay dadka ay qaadaysaa ay maanta ugu fara badnaayeen iyadoo buu yidhi qaadaysa boqol iyo googo qof.

Wasiir Kaahin oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in sababta ay u ogolaadeen Ethiopian Airlines aanay ahayn oo keliya inay markhaati uga noqotay inaanay hawada Somaliland gacanta ku hayn Soomaaliya, balse ay sidoo kale ay rabaan inay Itoobiya gacanta ku hayaan maadaama aanay Somaliland ahayn dal la aqoonsan yahay.

Wararkii ugu dambeeyay kala soco Saab TV, Waa meesha kuugu dhow ee aad ka heli karto warar xaqiiqada ku sal leh.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga