Wararka ka imanaya magaalada Jakarta ee caasimadda dalka Indunuusiya ayaa sheegay in 181 qof ay cudurka Coronavirus ugu dhinteen dalkaas, tiradaas oo ah ta ugu sarraysa koonfur bari qaaradda Eeshiya.

Waxay ahayd bishii Maarij 2-deedii,  markii ay Indunuusiya diiwaangelisay labadii kiis ee ugu horreyey cudurka Coronavirus dalkaas.

Magaalada Caasimadda ah ee Jarta, ayaa ah barta ugu daran ee uu sida wayn u saameeyay cudurka Coronavirus dalkaas, qiyaastii 95 kamid ah hawl-wadeennada caafimaadka ayuu asiibay coronavirus-ku, iyadoo ay u geeryoodeen 13 kale.

Kuburada dhanka caafimaadka ayaa sheegay in fidista cudurka Coronaha dalkaasi ay door wayn ka qaadanayaan qalabka laga xidho oo aad u yar gaar ahaan shaqaalaha caafimaadka iyo dad badan oo aan helin wacyi ku filan oo ah qaababka looga hortago xanuunka.

Khubaro badan oo dhanka caafimaadka ah ayaa saadaaliyay inuu Coronavirus saamaynta ugu daran ku yeelan doono qaaradda Afrika, haddii aan si wanaagsan loo xakamayn faafistiisa.

 

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga