Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay waxay kaga hadashay shaqaaqooyinka ka taagan degaannada Degmada Ceel-afweyn ee Gobolka Sanaag, iyadoo Xukuumaddu sheegtay inay ciidamadu amar ku haystaan inay tallaabo adag ka qaadaan cidda ka hortimaada amarada ciidamada qaranka.

Warsaxaafadeedkaas oo faahfaahsan waxa uu u qornaa sidan;

“Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxay ka xuntahay xaaladda nabadgelyo darro ee ku soo noqnoqotay Degmada Ceel-afweyn ee Gobolka Sanaag, Xukuumaddu waxay dedaal iyo tacab badan ku bixisay dhamaystirka iyo soo afjarida colaadda u dhexaysa Beelaha Walaalaha ah, iyada oo Xukuumaddu adeegsatay Waxgaradka Somaliland, sida Culimaa’udiinka, Madax-dhaqameed iyo waxgaradka kale.

Xukuumaddu waxay tacsi u diraysaa intii ku dhimatay Colaadda Ceel-afweyn, intii ku dhaawacantayna waxay Xukuumaddu u rajaynaysaa caafimaad.

Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland iyada oo gudanaysa masuuliyadeeda ka saaran ilaalinta nabadgelyada iyo badbaadinta dhiiga shacabkeeda waxay geysay Degmada Ceel-afweyn Ciidamo Xoogan oo mid ah Ciidanka Qaranka, waxayna ka qaadayaan Ciidamadu tallaabo adag oo aanay mahadin doonin kuwa caadaystay dhiiga iyo fidnada joogtada ah, iyagoo Ciidamadu bilaabay waajibkoodii ka saarna amniga. waxay aamisantahay Xukuumaddu in colaadda Ceel-afweyn ay tahay boog xun oo ku taalla Jamhuuriyadda Somaliland, waana waajib in aan soo afkarno boogtaa Qarankeena ku taalla. Gudoomiyaha Gobolka Sanaag, Guddida Nabadgalyada ee Gobolka iyo Ciidamada Booliska ayaa qayb ka ah hawlgalka Nabadgalyo ee ka socda degaanka Ceel-afweyn.

Waxaa kale oo Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland amar u qabaan in ay tallaabo adag ka qaadaan qofkasta oo lagu arko hub iyo gaadiid, waxayna Ciidamadu ka gudanayaan waajibaadkooda Qaran.

Waxaanu ugu baaqaynaa shacabka Jamhuuriyadda Somaliland in ay Ciidamada kala shaqeeyaan arrimaha Nabadgalyada, gacanna ku siiyaan sidii sharciga loo horkeeni lahaa cidkasta oo isku dayda in ay waxyeesho amniga guud ee dalka.”

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga