Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Khaalid Jaamac Qodax ayaa qoraal uu shalay soo saaray waxa uu ku joojiyey amar ka soo baxay Badhasaabka Gobolka Togdheer Maxamed Cabdillaahi Ibraahim Nafaqo, kaas oo la xidhiidhay in shaqaalaha dawladda ee Gobolkaasi laga jaro lacago qaadhaan ah oo lagu taakulaynayo ciidanka qaranka Somaliland.

Warqadda amarka ah ee ka soo  baxday Badhasaabka Gobolka Togdheer, kuna taariikhaysan 16 September 2023, laguna socodsiiyey Guddoomiyaha Bangiga dhexe Laantiisa Burco, lana ogaysiiyey dhammaanba Isu-duwayaasha hay’adaha gobolka iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, ayaa lagu sheegay in Badhasaabku uu go’aamiyey in shaqaalaha dawladda ee ka hawlgala gobolka laga jaro 5% mushaharka ay qaataan, lacagtaasi oo sida warqadda lagu sheegay lagu taakulaynayo ciidanka Qaranka Somaliland.

Badhasaabka Gobolka Togdheer ayaa warqadan amarka ah ku sheegay in lacag ka jarista shaqaalaha dawladdu ay bilaabmayso Bishan lagu jiro ee September ee sannadkan 2023-ka.

Hasayeeshee, Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Khaalid Jaamac Qodax warqad uu maanta u diray Badhasaabka Gobolka Togdheer Maxamed Cabdillaahi Ibraahim  Nafaqo, lana ogaysiiyey  Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda, Xisaabiyaha guud ee qaranka, guddoomiyaha Baanka dhexe iyo cidda kale ee ay khuseyso.

“Waxa Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu uu sida sida ay dhigayaan xeerarka iyo sharciga shaqaalaha dawladdu isaga oo cuskanaya uu sheegay in lacag kasta oo laga jarayo shaqaalaha dawladda ay go’aamiyaan xeerarka iyo sharciga lagu dhaqaa. Sidaa darteed warqadda uu qorey Badhasaabka gobolka Togdheer ee lagu amraayo Baanka dhexe laantiisa gobolka Togdheer waa la hakiyey,” ayaa lagu yidhi qoraal lagu faafiyey barta facebook-ga ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda.

Waxaannu qoraalkan ka soo baxay Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu uu intaas ku daray in shaqaalaha lacag laga jari karo marka ay ogolaadaaan ama cidda awoodda u lihi ay amarkaasi fuliso. Hay’adda shaqaaluhu waxa ay garab taagan tahay ciidanka qaranka Jamhuuriyadda Somaliland wax kasta oo lagu taageeraayo, hasayeeshee waa in talaabooyinka la qaadayaa ay ku dhisnaadaan talo-guud oo laysla ogol yahay dhinac kasta,” ayaa lagu yidhi warkan ka soo baxay Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Somaliland.

Warqaddan ka soo baxday Badhasaabka Gobolka Togdheer ee la hakiyey, waxa kaloo ka horaysay warqad amar ahayd oo soo baxday 9 February 2023, taas oo xiligaasna lagu sheegay in shaqaalaha dawladda ee gobolka Togdheer laga jarayo lacag qaadhaan ah oo lagu caawinayo ciidanka Qaranka.

Waxaanna warqadaasi hore ee soo baxday bilawgii sannadkan lagu sheegay in shaqaalaha darada A-da ah laga jarayo lacag dhan 80 kun oo Somaliland Shilin ah, shaqaalaha darajoodu B-da tahayna laga gooyo 50 kun oo SLSH ah, halka darajada C-da iyo D-dana la amray in laga jaro 30 kun oo SLSH ah iyo 20 kun oo Slsh ah, iyadoo uu amarkaasi hore ee Badhasaabka Gobolka Togdheer ka soo baxay ku koobnaa oo qudha bishii February ee sannadkan, iyadoo uu amarkan cusub ee hadda ka soo baxay Badhasaabka Togdheer uu sheegayo in bil walba oo ka bilaabaysa September 2023 shaqaalaha laga jaro 5%, balse waxa amarkan lacagaha lagaga jarayo shaqaalaha dawladdda lagu hakiyey warqad maanta ka soo baxay Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda.

3 Attachments • Scanned by Gmail

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga