Musharaxa Jagada Madaxweynaha ee xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa soo dhaweeyey go’aankii ay Golaha Wakiilladu maanta ku ansixiyeen wax-ka-beddelka xeerarka doorashooyinka Somaliland.

Sidaana waxa uu Cabdiraxmaan Cirro ku sheegay qoraal uu ku faafiyey facebook-giisa, kaas oo u qornaa sidan; “Waxa aan hambalyo & bogaadin isku sidkan u dirayaa isla markaana u mahad celinayaa Shir-guddoonka & Mudanayaasha Golaha Wakiilada JSL oo maanta qabyo tiray dhammaan xeerarka doorashooyinka isku sidkan ee Madaxtooyada, Axsaabta Qaranka iyo Ururada siyaasadda. kuna ansixiyey cod aqlabiyad ah oo aanu Goluhu u kala hadhin.

Golaha Wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay hormuud u noqdeen sharciyeynta doorashooyin dalkan inooga qabsooma si heshiis iyo wadar-oggol lagu yahay, waana arrin ay Shacbiga Somaliland filayeen in badan, sida oo kale Golaha Guurtida waxaa laga filayaa in ay waajibkooda iyaguna sida ugu dhakhsaha badan uga gutaan.

Somaliland ha noolaato,” ayuu yidhi Musharax Cabdiraxmaan Cirro.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga