Saddex xubnood oo ka tirsan gudida la tacaalida xanuunka Covid-19 ee dalka Maraykanka ayaa ka galiyay xaalad karantiin ah kadib markii ay la macaamileen xubno kale oo ka tirsanaa Aqalka Cad ee looga arimiyo Maraykanka kuwaa oo xanuunka Covid-19 uu ku dhacay. Waxay gali doonaan laba todobaad oo lagu ogaan doono in ay virus-ka qaadeen iyo in kale.

Dr. Anthony Fauci, ninka ugu sareeya maxadka cudurada faafa ee Maraykanka ayaa ka mid ah dadka karantiinka la galiyay. Waa shakhsi si wayn loogu bartay la dagaalanka Covid-19 ee gudaha Maraykanka, isagoo gurigiisa kasoo talo-bixinayay kadib karantiinka uu galay.

Xaaladda gudaha Maraykanka ayaa wali ah mid cakiran. Dad ka badan 1.3 million oo qof ayuu u dhacay xanuunku, halka in ku dhaw 80, 000 oo kalana ay u dhinteen, sida ay tilmaamayaan warbixinihii ugu danbeeyay ee jaamacadda Johns Hopkins ay samaysay.

Guud ahaan caalamka, kiisaska la helay ayaa gaadhay 4 million oo kiis. Iyadoo dhimashaduna ay sare u dhaaftay 277, 000 oo qof.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga