Magaalada xeebta ku taala ee Berbera ee Somaliland ayaa gabi ahaanba la joojiyay saalada taraawiixda ee lagu tukado masaajidada, iyadoo hadda wixii ka danbeeya ay dadku guryahooda ku tukan doonaan.

Culimada magaalada iyo maamulka deegaanka ayaa isla qaatay in masaajidada la xidho mudadaas, si looga fogaado fiditaanka caabuqa Covid-19 oo si dhakhso ah bulshada dhexdeeda ugu fida.

Somlaliland ayuu xanuunku soo gaadhay iyadoo illaa hadda laga helay 40 kiis iyo afar qof oo dhimasho ah.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga