Ugu yaraan 19 bad-maaxe oo Iraniyiin ah ayaa dhintay halka 15 kalana ay ku dhaawacmeen gantaalo laga riday markab kale oo isla ciidmada Iran ay leeyihiin, sida lagu sheegay war kasoo baxay ciidamda badda ee Iran.

Wakaalada wararka Turkiga ee Anadolu ayaa ku warantay in dhimashadu ay tahay 20 qof, halka markabka ay saarnaayeen 40 bad-maaxe.

Maraakiibta ayaa ku sugnaa meel u dhaw dekedda Jask ee gacanka Cummaan.

Muuq-baahiyaha dawladda Iran ayaa ku waramay in dhacdadu ay ahayd mid si kama’ ah u dhacday, iyadoo markabka uu ku dhacay madfacu uu u dhawaa goob bar-tilmaameed u ahayd ciidamada tababarka qaadanayay.

Ciidamada Iran ayaa inta badan tababaro ku sameeya gacanka Cummaan oo kulaalaya marinka Hormuz oo ay ka gudubto %20 saliida dunidu.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga