Dhaxal-sugaha boqortooyada Sucuudiga ninka lagu magaacaabo, Maxamed bin Salman(MBN) ayaa markii ugu horeysay su’aalo toos ah laga waydiiyay dilka wariyihii caanka ahaa ee Jamal Khaashuqji, kaas oo lagu dhex dilay safaaradda Sucuudiga ee magaalada Istanbul.

MBS oo waraysi gaar ah siinayay talafishanka CBS ayaa xusay in uu qaadanayo masuuliyadda dilka wariyaha, maadaama oo isagu uu hogaamiye ka yahay Sucuudiga, isla markaana raggii dilka gaystay ay u shaqaynayeen dawladda Sucuudiga.

Dhaxal-suguhu wuxuu iska fogeeyay in uu amray dilka Khaashuqji, isagoo tilmaamay in aanu waxba kala socon dilkiisa.

Jamal Khaashuqji oo ahaa wariye u dhashay dalka Sucuudiga ayaa ku caan ahaa dhaleecaynta hogaaminta Maxamed bin Salman, iyo boqortooyada Sucuudiga.

Hay’adda sirdoonka Maraykanka ayaa sheegtay in dilka Khaashuqji ay wax ka ogayd boqortooyada Sucuudigu, balse MBS wuxuu waraysiga ku sheegay in hadii ay caddayn hayaan ay soo baandhigi karaan.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga