Xogo ay heshay warbaahinta SAAB ayaa tilmaamaya in dawladda Kenya ay ma rkale doonayso in dib loo dhigo ka-gar-naqqa dacwadda baddan ee ka dhaxaysa dalka Soomaaliya.

Maxkamadda cadaalada dunida ee ICJ ayaa muddo laba bilood ah dib u dhigtay dhagaysiga kiiska labada waddan, balse xukuumadda Nairobi ayaa rabta in illaa sanadka danbe dib loo dhigo dacwaddan.

Wali ma jiro war rasmi ah oo caddaynaya xogaha aanu helayno, kaas oo kasoo baxaya labada waddan ama maxkamadda.

Kenya waxay u muuqataa mid ka cago jiidaysa in ay tagto maxkamadda ICJ, balse xukuumadda Muqdisho ayaa iyadu ka diidya dalabyo badan oo kiiska lagagasoo saari lahaa maxkamadda.

WIXII WARAR AH EE KASOO KORDHA XOGAHAN, KALA SOCO WARBAAHINTA SAAB.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga