Wasiirka arrimaha dibada dalka Turkiga, Mevlut Canavsugu, ayaa maalinta berri ah bilaabi doona, booqasho uu ku gaalaa bixinayo dalalka dhaca Khaliijka carbeed, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda Turkidu.

Wasiirka arrimaha dibada dalka Turkigu, dalalka uu tegi doono maalinta berri ayaa waxaa kamid ah Kuwayt, Qatar iyo Cummaan, iyadoo sida bayaanka kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibaddana lagu sheegay, in booqashadiisu qaadan doonto illaa 11-ka bishan February.

Wakaaladda wararka Turkiga ee Anadulu, ayaa ku warrantay, in Mr. Cavusoglu uu la kulmi doono wasiiradda arrimaha dibadda dalalkaasi, isagoo kala hadli doona xoojinta Turkigu la leeyahay dalalkani, iyo guud ahaanba xaaladda gobolka.

Inta uu ku guda jiro booqashadiisa gacanka, wasiirka arrimaha dibadda Turkigu sidoo kale waxaa uu la kulmi doonaa ganacsatada u dhashay dalkiisa ee iyagu kunool dalalka Khaliijka.

Kasakow wararka kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Turkida mooyiye, ma jiraan warar si madax-bannaan u xaqiijiyay booqashada diblumaasiga ugu sareeya Turkigu uu ku tegayo dalalkan, kadib markiiĀ  ay dhammaatay xurguftii dhex taallay Qatar iyo qaar kamid ah dalalka Khaliijku.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga